Hoggaanka Xisbiga WADDANI OO Bahda Saxaafadda Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geerida Maariyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli F.Jaambiir

Hoggaanka Xisbiga WADDANI OO Bahda Saxaafadda Somaliland Ka Tacsiyadeeyay Geerida Maariyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli F.Jaambiir

WADANI CABDI WALI

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Hogaanka Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani waxay dhambaal tacsi ah u dirayaan qoyskii, eheladii, iyo bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdi-weli Faarax Jaambiir oo galabta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa. Xisbiga Waddani waxa uu sidaa ku sheegay warsaxafadeed uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Xafiiska Warqabadka Ee Wargeyska Ogaal. Warsaxaafadeedkaasi wuxuu dhignaa : “Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, dhamaan G/Fulinta, G/Dhexe iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan xaasaskii, caruurtii, eheledii, qaraabadii uu ka baxay. Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ku geeriyooday maanta magaalada Hargeysa Waxaanu Eebe uga baryayna innu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo dhamaanteenna samir iyo iimaan inga siyo. Md . Cabdiraxman M Cabdilaahi (Cirro) Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI