Khubaro Sharraxay Habka Loola Tacaalo Caajiska

Khubaro Sharraxay Habka Loola Tacaalo Caajiska

Caajiska

Koox khubaro ah oo ka socotay maxadka caafimaadka ee lagu magcaabo Harvard Medical School kuna yaala magaalada Boston ayaa sharaxaad ka bixiyey natiijo hordhac ah oo ay ka soo saareen daraasad ay dhowaan daabaceen ,taas oo ay ku sheegeen inuu xidhiidh ka dhexeeyo dhiig karka,wadno xanuunka iyo faaliga. Kooxdan oo uu hogaaminaayey khabiirka lagu magcaabo Matthias Nahrendorf ayaa sheegay inuu jiro samayn badan oo ay wadaagan caabiga ka imanaa fikirka badan ee u keeno caajisku ,taas oo keenta in unugyada dhiiga ee cad cadi dhaawacyo soo gaadhaan,kuwaas oo ay waxyeeladaasi inta badan ku dhacdo gudaha hoose ee halbowleyaasha loo yaqaano arteries-ka,kuwaas oo ah meelaha uu dhiigu maro. Meelahaas ayaa siday kooxdani sheegeen noqda kuwo marka dambe xidhma,kadibna keena xidhan dhinaca dhiiga ah,madaama oo uu dhiigu qulqulaayey meeshaasi una sii maraayey jidhka intiisa kale ,iyaga oo ka keenaayey meelaha soo saara ee ay kamidka yihiin unugyadaasi dhiiga ee cad cad. Waxay sheegeen in socodka dhiigu keento ama samayso xinjiro ku hadha meelaha xidhmay ,kuwaas oo sii awda ,taasina waxay keentaa inuu xidhmo socodkii wareega dhiigu,iyada oo marka dambe dhiigaasi u socdaalo qaybo kale oo jidhka kamid ah ,taasina ay noqoto khal khal jidhka iyo hab socodka dhiiga ku yimaada “Unugyada dhiiga ee cad cadi waa muhiim ,waana kuwa difaaca qaabilsan,sidoo kalena meelaha dhaawacma inay dahaadhanto qaabilsan ,laakin haddii ay siyaadaan ama intoodii ka bataan ama meel kale oo khalad ah maraan ,waxa imanaysa inay khatar ku noqdaan jidhka dadka”.sidaas waxa yidhi Matthias Nahrendorf. Waxay is dhinac dhigeen kooxdan khubarada ahi intii ay ku jireen daraasadan saacadihii ay samaynayeen daraasadan ee ay shaqaynayeen oo ay dadkii ay ku samaynayeen tijaabada waqti la qaadanayeen,iyaga oo doonaayey inay macluumaad ka helaan ,waxa kale oo ay eegayeen sida uu u samaynaayo caajisku dadkaasi,waxa kale oo ay kooxdani isticmaaleen su’aalo ay dadka weydiinayeen oo la buux buuxinaayey. Kooxdan ayaa sheegay inay heleen waxyaalo muujinaaya in unugyada dhiiga ee cad cadi soo saaraan dhiig xad dhaaf ah ,kuwaas oo keena inay qaarkood xidh xidhmaan kadibna sameeyaan guntimo,halkaasi ay ku xidhmaan marino dhiig mareeno ahi,aakhirkana ay noqdaan kuwa keena xanuuno badan,iyada oo khal khalka ku dhacaaya unugyada dhiiga ee cad cad ay keenayso caajisnimada xad dhaafka ah iyo fikirka badani “Unugyadani waxay soo daayaan dheecaano,kuwaas oo ah kuwo jilicsan ,laakin markay isku xidhmaan isna gaadhaan ,waxay noqdaan kuwo waxyeelo keena,waxaanay qasaan unugyo kale,haddii qofku caajisnimo dareemo ,sidoo kalena fikiro waxay maskaxdu gashaa mashquul,kadibna waxay keentaa inuu jidhku soo saaro waxyaalo dheeraad ku jiro,sida dhiiga oo kale, marka dhiigaasi batona wuu guntamaa,taasina waa ta keenaysa faaliga iyo wadnexanuunka iyo xanuuno kale oo badan”.sidaas waxa yidhi Nahrendorf.