Khuburro Iftiimiyay In dawooyinka la isku caddeeyo laga dhaxlo Khatar caafimaad darro

Khuburro Iftiimiyay In dawooyinka la isku caddeeyo laga dhaxlo Khatar caafimaad darro

BADNOOFAAD

Khubaro dhakhaatiir ah oo u dhalatay dalka Imaraadka Carabta, ayaa sheegtay in kiriimada iyo daawooyinka kiimikooyinka ah ee maqaarka jidhka lagu caddeeyo oo ay ku jiraan walxo loo yaqan Hydroquinone ay khatar caafimaad darro keenaan. Kiriimada la isku caddeeyo oo inta badan caalamka badankiisa laga helo waxa ku jira maadada Haydroquinone, taasoo yaraysa midabsameeyaha maqaarka ee loo yaqan Melanin, taasoo qofka ka difaacda cadceeda. “Aad bay khatar u tahay in kiriimada badankoodu ka koobnadaan maadada Hydroquinone, taasoo cadceedu qofk si fudud wax u yeeli karto, waxaana dhammaan kiriimadaas laga hela meel kasta, dadkuna waxay u isticmalaan si aan xaddi lahayn oo keeni karta caafimaad darro,” ayuu yidhi Dr. Zbigniew Ruszczak oo ah madaxa maqaarka ee Cusbitaalka la yidhaa Al Noor Hospital oo ku yaal magaalada Abu Dhabi. Khubarada baadhitaankan samaysay waxay soo jeediyeen haddii xataa qofka loo qori in aanu isticmaalka sii wadin muddo laba ilaa saddex bilood ah, sababtoo ah kiriimada kiimikadaas ka kooban waxay sababi karaan in qofku jidhkiisu googa’o amma finan yeesho amma maqarka qofku midab ahaan is beddelo oo xannuunadana u nuglaado. Dr. Ruszczak oo baadhitaan ay ku samaysay gabadh 35 jir ah, taasoo aad u isticmaashay kiriim kiimikadu ku badan tahay muddo bilo ah maqaarkeeda ay finan daawo loo waayey ka soo baxeen, aakhirkiina maqaarka qofkaasi isu beddelay midab kale, kuna dhawaaday in maqaarku noqdo mid aan dareemo lahayn. Khubaradan waxay dadka isticmaala daawooyinka la isku caddeeyo u soo jeediyeen in ay dhakhtarada maqaarka la xidhiidhaan si loo eego maqaarkooda xaaladda uu ku sugan yahay, loona siiyo daawo caafimaad ku soo celisa