Kooxda ISIS Ee ka Dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo Suuriya Oo Markii Ugu Horaysay Samaystay Baasaboor u gaar ah

Kooxda ISIS Ee ka Dagaalanta Dalalka Ciraaq iyo Suuriya Oo Markii Ugu Horaysay Samaystay Baasaboor u gaar ah

ISIS

Kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa markii ugu horreysay waxa ay barta Twitterka ku soo bandhigeen Baasaboor cusub oo astaan u ah Dowlada Islaamiyinta ee ISIS. Kooxda ISIS ayaa hore ugu dhawaaqday in ay yihiin Dowladd Islaamiyiin ah, islamarkaana ay doonayaan in adduunka ay ka dhaqan gasho Dowladd Islaami ah. Arrintan ayaa ku soo aadaysa xili Kooxda ISIS ay Dowladda Maraykanka kala kulmayaan Weeraro dhanka Cirka ah, kadib markii ay xoog ku qabsadeen deegaanada Masiixiyiinta dalkaCiraaq.