Kooxda Juventus Oo u Dhaqaaqday helitaanka Radamel Falcao

Kooxda Juventus Oo u Dhaqaaqday helitaanka Radamel Falcao

JAVANTUS

Kooxda haysata horyaalka dalka Talyaaniga ee Juventus ayaa dalab u dirtay weeraryahanka kooxda Monaco Radamel Falcao, sida ay sheegayaan warar soo baxaya. Weeraryahankan reer Colombia ayaa lala xidhiidhinayay inuu u dhaqaaqi doono kooxo badan ay ka mid yihiin Liverpool & Real Madrid, inkastoo Carlo Ancelotti uu ka fogeeyay 28-jirkan inay kooxdiisa la soo saxeexan doonto.
Kooxda Juventus ayaa haatan ku soo biirtay kooxaha doonaya saxeexa xiddigan, iyadoo kooxda Old Lady ay damacsan tahay inay laacibkan bedel ugu dhigto weeraryahankeeda Fernando Llorente kaas oo lagu wado inuu ku biiro kooxda Valencia, sida laga soo xigtay La Gazzetta Sportiva.
Si kastaba, wargeysyada ayaa daabacay in kooxda Valencia aanay weli la kulmin Juventus xilli kooxdaas reer Spain ay damacsan tahay inay dalab dhan £16 milyan oo bound ay ka gudbiso saxeexa Llorente