Lamaane Labada Dacal Ee Dunida Ku kala Noolaa Oo Xidhiidhkooda Jacayl Uu Kulmiyay Facboog

Lamaane Labada Dacal Ee Dunida Ku kala Noolaa Oo Xidhiidhkooda Jacayl Uu Kulmiyay Facboog

LAMAANE

Qiso Jacayl aad u cajiib ah oo ka bilaabataya Internetka Fariimo la isu dhigo ayaa dhex maratay Haweeney Maraykanka ah iyo Wiil dhalinyaro Hinidya ah, Sheekada oo warbaahinta caalamka aad u hadal hayaan ayaa waxaa ay ku bilaabatay in Lamaanahan ay si kadis ah isugu barteen Barta Facebooga. Adriyaana Biiraal oo ah Haweeneey maraykan ah ayaa Go`aansataya in Gacaliyaheeda oo reer hindi ah ay kula noolato Dalkiisa Jacaylkeedana Mokiish Komar oo ah wiil dhalinyaro reer hindiya ah. Lamaanahaan oo qisadooda jacayl ay ku bilaabatay Facebooga oo ay Fariimo qoraaleedyo yar yar is weydaarsadeen ayaa ugu dnabayntii ku heshiiyay in ay is guursadaan, in kasta oo uu jiro farqiga weyn ee u dhaxeeya Labada dhaqan ee maraykanka iyo hindiya. Xidhiidhka Lamaanahaan Biraal oo ah 41 iyo Komaar oo isna ah 25 ayaa fariimaha ka dib isu Badalay mid qadka talefonka ah ilaa xiriirkooda uu ka adkaysto uun ka noqodo mid jacayl mira dhala isu Badala. Adriyaana Biiraal ayaa Saaxiibadeed kala kulantaya Cadaadis ku aadan in aysan u safrin hindiya oo ay ku badan tahay tacadiga lagula kaco haweenka , hase ahaatee haweenaydaan maraykanka ah waxaa y ku adkaysatay in ay Lakulmayso Jacaylkeeda waxaana ay u Safratay Tuuladii uu ku dhaqnaa gacaliyaheeda.