Ma Annigaa Gabadha Kula Qabay? Qore: Xamze Siciid Kuuriya

Ma Annigaa Gabadha Kula Qabay? Qore: Xamze Siciid Kuuriya

HAMSE

Nin dhalinyaro ah oo Qaadaa ma dherge ah shaqo buurana haysan ayaa Guursadday, waxaa uu ahaa nin wanaag lagu amaano, Xaas wanaagsan Eebe waa ku galaday.
Waxaanay ku wada noolaayeen nolol wanagsan oo farxad iyo jacayl ku dheehantahay, in mudoo ah ka dib ayaa gabadhii ilme u calool galay waxana ay ku noolaayeen nolol iska caadi ah laakiin aan ku filayn heerka ay taagnaayeen dhaqaale ahaan.
Markii ay gabadhii gaadhay sidkii ay ilmaha ay ku umuli lahayd ee ay fooshu qabatay ayaa la geeyey dhakhtar, in kasta oo aanu ninku sidiisaba haynin shaqo joogto ah, hadana waxaa xiligaasi ku soo beegmay maalmo aanu shaqo faraha ku haynin, run ahantii waa wax yara murugo leh marka aad xaas leedahay ee aanad hayn wax shaqo ah hadana Illaahay qof talo saartay ma hoogee waxa uu sameeyey calool adayg dhakhtarkii ayuu geeyey kolay nin aan waxba haysan tolna ma laha ayaa hore loo yidhiye ninkii markii uu geeyey dhakhtarkii gabadhiisii ayuu u soo baxay dibada intii hawsha fooshu socotay waxa laga doonayay waxooga kharash ah laakiin lacagtu ha badnaato amase ha yaraatee markaanad waxba gacanta ku haynin waa wax wayn oo culayskeeda leh.
Waxa uu ninki fadhiisatay meel dhinaca ku haysay dhakhtarka si uu bal maskaxda intuu ka yara shaqaysiiyo uu meel uu wax u doono u helo, muddo yar markii uu fadhiyay ayaaba wax uu isha qac ku siiyey Nin ay xidid yihiin oo waxooga lacaga iska haystay, laakiin aan ahayn qof meel fiican ka sameeya lacagta. waxa dhacday inuu sare intuu u kaco uu niyadiisa waydiiyo tallow maxaad yeesha lacagta ma ka qaadaa mise waad iska daysaa?
isagoo wali ay maskaxdiisa ka guuxayso su’aashaasi ayuu u tagay salaan ka dib waxaa uu u sheegay inay gabadhisii ay ku foolanayso dhakhtarka wax kharash ahna aanu gacanta ku haynin.
Ninkii intaa uu si dhayal dhayal ah u qoslay ayuu ku yidhi isagoo sanka taagaya “Waar maa anigaa kula qabay naagta”
Ninkii isaga oo khajilsan dhinacna ka xanaaqsan dhinac kalena war war ka haysto ayuu iskaga dhaqaaqay meeshuu waxa uu fadhiisaty meel dhakhtarkii dabadiisa ahayd oo cidlo ah waxana uu dabada saaray dhagax.
meeshaas waxa ka dhacaysay dabayl siigo wadata, iyada oo ahayd waqti xagaa ah taas oo uu dhulku wada noqday mid boodh iyo basaas badanba ka muuqdaan .
Ninkii markii uu waxooga fadhiyay fikirkii iyo niyad jabkiina ku bateen ayuu mar kaliya shaydaanka iska naaray oo uu intuu ka kacay tagay masaajid u dhaw waana uu wayso qaatay ka dibna waxa uu tukaday laba ragcadood oo salaatul xaajo ah.
Markii uu ka soo baxay masajidki ayuu afka soo saaray dariiqii gaynayay dhakhtarka isagoo markaas niyad wanagsan oo Illaahay ka rajaynaya inuu ka soo samato bixiyo dhibkan ku habsaday.
Sidii aynu hore u soo sheegnay waxa ay ahayd waqti xagaa ah oo ay dabayl badan dhacaysay dhulkuna uu ahaa mid Ommas ah.
dariiqa uu marayay waxa dhinac kaga taalay gudaafad xashiishka lagu daadiyo, waxay mar kaliya dabayshii xooganayd ee dhacaysay soo qaaday baakidh sigaar ah oo ay ku soo tuurtay hortiisa deetana intuu baakidhkii soo qabtay ayuu ruxay waxaba uu maqlay wax ka dhex sanqadhaya
In kasta oo aanu balwad lahayn ninkani waxa uu hadana ka shakiyey inaanu sigaar ku jirin ee ay wax kale ku jiraan waxaana uu u kala furay si dag dag ah .
Waxaaba ku dhex jirtay lacag dhowr boqol oo Dollar ah, ninkii intuu markiiba is badalay oo ay muragadii ka ba’aday iyo daalkii ayuu Illaahay u mahad-naqay.
Deetana waxa uu u dhaqaaqay xagaas iyo dhakhtarkii isaga oo ay ka muuqato kalsooni isla markiiba waxa niyadiisa ku soo dhacday ka bixi sadaqo oo masakiin dhakhtarkii hor joogtay ayuu u qaybiyey waxoogaa lacagtii ka mid ah.
Deetana waxa uu soo galay qolkii ay ku jirtay gabadhiisu iyada oo markaas uun umushay lacagtii ayuu farta ka saaray dhakhtaradii hawshaa gashay waxana uu gabadhiisii u soo kireeyey gaadhi oo uu ku qaaday kuna geeyey Gurigii.
Markii ay gurigii tageen ayay gabadhii ku tidhi “waar hebel markaad I soo qaadaysay lacag maad hayne ma meelbaad ka soo amaahatay waxan oo lacag ah.”
Markaasuu ku jawaabay “mayee waa arsaaq Alle meel fudud iga siiyey.”
Waxaaana uu u sheegay wuxuu sameeyey iyo siduu lacagta u helay.