Maamulka Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Dagaal Duleedka Burco Ku Dhex Maray Laba Maleeshiyo Beeleed

Maamulka Gobolka Togdheer Oo Ka Hadlay Dagaal Duleedka Burco Ku Dhex Maray Laba Maleeshiyo Beeleed

Badhasaabka-Togdheer

Burco (Salaanmedia.com)- Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ka hadlay dagaal duleedka waqooyi ee magaalda Burco ku dhex maray laba maleeshiyo beeleed oo beryahan-ba halkaas isku hor fadhiyay. Deegaan lagu magacaabo Baliga Diiriye Aw-Guuleed oo ka tirsan degmada Kal-barre ee Gobolka Togdheer oo dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Burco,ayaa shalay galab ku dirireen laba maleeshiyo beeleed oo beryahan-ba halkaa isku hor fadhiyay kadib muran dhul oo muddaba u dhexeeyay maleeshiyaadka, kuwaas oo la sheegay inay ku muransan yihiin baliga oo laga qoday barkado. “Horta Saaka ayaanu Maamul gobol ahaan go,aan ka gaadhnay in la aaso berkado cusub oo halkaa laga qoday, isla markaana amar ku bixinay in la kala raro dhalinyarada labada dhinac ee hubaysan, kadibna halkaa laga sii amba qaado dhamaynta arrinta, intaa ka dibna waxaan galabta anigu(Guddoomiye Maxamed), u soo baxay dhanka Hargeysa, markaa waxaa galabta la ii soo sheegay in, isla goobtii ay isku rasaaseeyeen maleeshiyadii labada Dhinac iyadoo ay markiiba kala gaadheen oo kala dhex galeen ciidan boolis ah oo markii horeba noo degenaa goobta oo ku kala dhex jiray,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Togdheer oo khadka Telifoonka ugu waramay shabakada Gudgudenews. Waxa Badhasaabku intaa sii raaciyey oo uu yidhi, “Warkii ugu dambeeyay ee aan hayaa waa in is rasaasayntaa aanay ciddina ku dhiman isla markaana aanu jirin qasaare dhaawac oo weyni,waxaa la ii sheegay in hal nin ay xabadi madanaysay(xagatay) ninkaasina wax weyn ma qabo, dhanka kale ciidankii booliska ayaa kala dhex galay labadii ciidanna waa la kala qaaday. Waxaa jiray dilal hore oo kala gaadhay walina aan la dhamayn oo aanay ku kala bixin labada beelood laakiin dhakhso in arrintaa hadda ayaa laga hawl gelayaa.