Madaxweynaha Somaliland Oo Wargeyska Ogaal iyo Bahda Saxaafadda Ka tacsiyadeeyay Geerida Cabdiweli F. Jaambiir

Madaxweynaha Somaliland Oo Wargeyska Ogaal iyo Bahda Saxaafadda Ka tacsiyadeeyay Geerida Cabdiweli F. Jaambiir

ZIILANYO CABDI WELI

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Shacabka Somaliland ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Maareeriyihii Wargeyska Ogaal. Isla markaana waxa uu madaxweynuhu suxufiga ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka Saxaafadda Somaliland maanta marayso. War Saxaafadeed l uu ku saxeexan yahay af hayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Bahda Saxaafada, Shacbiga Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii ee uu ka baxay Maareeyihii Wargeyska Ogaal Marxuum Cabdiweli Faarax Jaambiir oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay Suxufi door muhiima ka soo qaatay heerka saxaafada Dalku ay maanta taagan tahay, waxaanu madaxweynuhu si gaara u tacsiyadaynayaa Walaalkii Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah odayaasha Saxaafada Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga beryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Bahda Saxaafada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.” IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN