Marxuum Cabdi-weli Wuxu Ahaa Weriye Iyo Tifaf-tire Curin Iyo Hal-abuurba Lahaa,Suulkiisii Iyo Saxeexiisiiba Wuxu Kaga Tegay Saxaafadda Guud,” Boobe Yuusuf Ducaale.

Marxuum Cabdi-weli Wuxu Ahaa Weriye Iyo Tifaf-tire Curin Iyo Hal-abuurba Lahaa,Suulkiisii Iyo Saxeexiisiiba Wuxu Kaga Tegay Saxaafadda Guud,” Boobe Yuusuf Ducaale.

Boobe y du

Hargeysa(Salaanmedia.coml)- Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Md. Boobe Yuusuf Ducaale ayaa waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa qoyskii, eheladii iyo guud ahaan bahda Saxaafadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariiste Cabdi-weli Faarax Jaambiir Sidaa waxa uu Boobe Yuusuf Ducaale ku sheegay qoraal uu caawa ka soo saarey oo uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Shabakada Hayaannews.com, waxaanu u dhignaa sidan: “Aniga oo ah Boobe Yuusuf Ducaale, waxaan halkan tacsi uga irayaa qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Cabdi-weli Faarax Jaambiir. Waxa kale oo aan ka tacsiyadaynayaa Wargeyska Ogaal. Cabdi-weli Ilaahay naxariistii Janno ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Cabdi-weli wuxu ahaa Weriye iyo tifaf-tire curin iyo hal-abuurba lahaa. Suulkiisii iyo saxeexiisiiba wuxu kaga tegay saxaafadda guud ahaan, gaar ahaanna TV-ga iyo warqadda daabacan. ILAAHAYha ka abaal-mariyo dedaal badnaa iyo naf-hurkii la yaabka lahaa ee uu sameeyay intii uu noolaa. Wuxu ahaa tifaf-tirihii aan ugu xidhiidhka badnaa oo aanu marxalado badan isla soo marray. Xataa intan uu xanuunsanayay ayuu Burco igala soo xidhiidhi jiray. Ilaahay ha u naxariisto