MAXAY ISKA SHABAHAAN MADAXWEYNAHA DALKA ZIMBABWE. MR ROBERT MUGABE IYO WASIIRKA MACDANTA IYO TAMARTA SOMALILAND MR XUSEEN CABDI DUCALE

image

MAXAY ISKA SHABAHAAN MADAXWEYNAHA DALKA ZIMBABWE. MR ROBERT MUGABE
IYO WASIIRKA MACDANTA IYO TAMARTA SOMALILAND
MR XUSEEN CABDI DUCALE

Waxaan salamaya saxafada madaxa banaan salaan kadib sida aad cinwaanka sare ku aragtaan bani’aadamku meelo badan ayay iska shabihi karaan ama isaga ekaan karaan waxaa kamida dabeecada muuqaalka socodka iyo wax yaabo badan oo kale hadaba maxay isaga eegyihiin labadan masuul inta aan ka ogahay waa laba arimood ku waas oo kala ah xaga muuqa sida aad ku aragtaan sawirada labadooda
Mida kale ee ay isaga eegyihiin waa xaga caqliga waxaan soo qadanayaa laba arimood oo lagu xasuusan karo isu dhawaanshaha labaddan masuul sanadadii 1999 -2000 wuxuu amar ku bixiyay mr Robert Mugabe in beero guryo dukaamo iyo hanti kale oo aad u badan oo ay lahaayeen dad muwadiniin reer Zimbabwe ah in laboobo guryaha la gubo beeraha la xagaafo dukaamada la bililiqaysto dadkaasi waxay ahaayeen dad boqolaal sanadood ku dhaqnaa oo deganaa dhulkan dhamaana dadkaas waa la bara kiciyay waxaa arintaas oo kale sameeyay wasiirka macdanta somaliland xuseen cabdi ducaale waxay ahayd bishan bisheedii sanadkii hore ee 2013 markii uu lasoo heshiiyay sherkado shisheeye oo uu malaayiin lacaga kaga qaatay inay si tuugo ah uga baadhaan somaliland shidaal wuxuu amar ku bixiyay arintii uu amarka ku bixiyay robert mugabe mid lamida taas oo ahayd degaanada loo yaqaan gubado oo ku yaala hawdka gobolka togdheer wuxuu u sheegay inay sherkadahaas shisheeye dadka ka aasaan berkadaha ceelasha dumiyaan guryaha dhirta jaraan dadkuna dhamaantood ka guuraan degamadaas 60 km waxay kaloo ka siman yihiin hunguriga waayo sababta dhabaatada intaas leeg loogu geysanayaa dadka muwaadiniinta ah waa in la banaysto hantida umada arinta ugu dambaysaa waxaa weeye Robert mugabe maalkii iyo xoolihii uu ka dhacay dadkiisa wuxuu la tegay dalka south africa halkaas oo uu kaga iibsaday guryo waweyn oo malaayiin doolar ah iyo hotelo waweyn halka wuu wasiirka macdanta somaliland lacagihii uu ula baxay qaxul qalinka ee uu ka qaatay sherkedaha shisheeye kaga dhistay dalka imaraadka carabta iyo maraykanka guryo aad u waaweyn isagoo bangiyo debada ahna dhigtay malaayiin lacagtii dalka ah waxaan kaga baxayaa Robert Mugabe ga somaliland waa xuseen cabdi ducaale
Khadar xasan axmed
Khxasan@hotmail.com