Maxay Tahay Sababta Ugu Weyn Ee Man. United U Qaadan la’dahay Arturo Vidal?

Maxay Tahay Sababta Ugu Weyn Ee Man. United U Qaadan la’dahay Arturo Vidal?

MAN UNIT

Warar soo baxaya ayaa shaaca ka qaadaya sababta ay Manchester United u soo dhameys tiri la’dahay saxeexa xiddiga kooxda Juventus ee Arturo Vidal. Tababaraha xulka qaranka Chile Jorge Sampaoli ayaa u sheegay majaladda El Mercurio in heshiiska Vidal ugu biirayo United uu cuuryaaminayo caafimaadka xiddiga. Waxa uu tilmaamay Jorge Sampaoli in macallin Louis van Gaal uu ka walaacsan yahay inuu 47-milyan oo bound ku soo iibsado ciyaaryahanka khadka dhexe isagoo qaba dhibaatooyin dhaawac dhanka jilibka ah. Vidal ayaa bishii May qalliin looga sameeyay jilibka, kaasoo haddana deg deg ugu soo laabtay koobkii adduunka, waxaana tababaraha xulka Chile Sampaoli uu intaa ku daray in Vidal uu 30 ilaa 40% taam ahaa tartankii koobka adduunka “Waan ogahay in dhibaatada ugu wayn ee iibka Vidal hortaagani ay tahay shakiga uu Van Gaal ka qabo dhaawicii jilibka ka soo gaadhay Vidal iyo horumarka uu ka samaynayo dhaawacaas” ayuu yidhi macallinka xulka Chile Jorge Sampaoli oo ka hadlayay dhaawaca Vidal. Arturo Vidal ayaa kooxdiisa Juventus haatan la jooga qaaradda Asia, waxaana tababaraha Juve Massimiliano Allegri uu sheegay inuu ceshan doono xiddigihiisa Vidal iyo Paul Pogba.