Maxkamadda xalinta khilaafaadka Oo Go’aan ka soo saari doonta Ganaaxi la dul-dhigay Luis Suarez

Maxkamadda xalinta khilaafaadka Oo Go’aan ka soo saari doonta Ganaaxi la dul-dhigay Luis Suarez

MAXAKAMADA LUWIZ

Luis Suarez ayaa ka soo baxay xarunta maxkamada xalinta khilaafaadka isboortiga ugu sareysa ee (CAS) oo ku taal dalka Switzerland, halkaas oo lagu dhageystay kiiska rafcaankii ganaaxa afarta bilood ee uu ka qaatay laacibkan, iyadoo haatan la sugayo oo kaliya in CAS ay ku dhawaaqdo go’aankii ay ka qaadatay racfaanka Luis Suarez. Walow weeraryahanka ku cusub kooxda Barcelona lagu rajo weyn yahay la dhimi doono ganaaxan afarta bilood ah, waxaana go’aanka ugu dambeeya laga sugayo maxkamadda. Weeraryahankan cusub ee kooxda Barcelona ayaa FIFA ay ka ganaaxday wax walba oo la xidhiidha kubadda cagta oo xitaa ay ku jirto in aanu tababar la qaadan karin kooxdiisa, kadib markii lagu helay dacwada ah inuu qaniinyo garabka kaga goostay difaaca xulka Italy Giorgio Chiellini intii lagu guda jiray kulankii wareega group-ka Koobkii Adduunka ee xagaagaan ku dhexmaray labadan xul dalka Brazil bishii June