MOURINHO “RealMadrid waan u diidi karaa inay Qaataan Falcao”

MOURINHO “RealMadrid waan u diidi karaa inay Qaataan Falcao”

MOUTINO

Macalinka kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa hadal layaab leh ka jeediyay hilinka Sky Sports isaga oo si ba’an ugu hadlay doonista ay kooxda Real Madrid doonayso saxeexa xiddiga weerarka ugu ciyaara kooxda Monoco ee Radamel Falcao kaasi oo si aad ah loo hadal hayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid. Macalin MOU ayaa waxaa uu carabka ku adkeeyay in aanu haatan muhiim ahayn in kooxdiisii hore ee Real ay suuqa ka raadiso weeraryahan sidaan oo kale xilli ay kooxda joogaan xiddigo dhaliyaal ah isaga oo tusaale u soo qaatay xiddigaha Benzema,Bele iyo Ronaldo waxaana uu ka soo horjeestay in Radamel Falcao uu aado Spain “Real Madrid waa iska jeceshahay xiddig walba oo magac leh in ay keento garoonkeeda,balse xisaabta kuma darin sidii loo adeegsan lahaa,imisa xiddig oo magac leh ayaa soo martay hadane micno la’aan isaga tagay kooxda.”Ayuu yidhi Tababare Mourinho