Mucaaridka Oo Shaaciyay In Soomaliland Loo Samayn Doono Dawladda Ku Meel Gaadh Ah

Mucaaridka Oo Shaaciyay In Soomaliland Loo Samayn Doono Dawladda Ku Meel Gaadh Ah

MUCAARIDA OO SHAACIYAY

Hargeysa(Salaanmedia.com)Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa shaaciyey inay xisbiyada mucaaridka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshaddu samayn doonaan dawlad ku-meel-gaadh ah haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayaan waqtiga loo qoondeeyey ee badhtamaha sannadka 2015.
Murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka UCID Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in aanay xisbiyada mucaaridka ah, gaar ahaan xisbigooda UCID sinaba u aqbali doonin in wax muddo-kordhin ah loo sameeyo xukuumadda KULMIYE marka la gaadho 26 June 2015 oo ah waqtiga muddada shanta sanno ee la doortay kaga dhammaanayso madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa.
“Haddii doorashaddu waqtigeeda ku dhici weydo waa dhalliil xukuumaddu leedahay, waxaanna imanaysa in aan lagu abaalmarin in loo kordhiyo muddada, balse lagu abaal-mariyo in dalka laga sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah oo ka kooban mucaaridka iyo ururrada bulshadda si dalkan ay uga dhacdo doorasho, shacabka reer Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa inay u diyaargaroobaan arrintaas, lana xisaabtamaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan oo waraysi siiyey idaacadda Radio Hilaac shalay.
Waxa kaloo uu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in aannu ka dhex jirin wax isla xisaabtan ah oo la xidhiidha waajibaadka shaqo ee dadweynaha loo hayo, isagoo xusay in aanay xisbi ahaan aqbali doonin in muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda KULMIYE.
“Runtii haddii aannu wax xisaabtan ah jirin sida ka muuqata xukuumadda Siilaanyo, waxaan qabaa in aan loo kordhin wax muddo ah, annaguna ka xisbi ahaan ma aqbali karno muddo-kordhin loo sameeyo, mana jiro xisaabtan la xidhiidha adeegyada ummadda loo hayo, haddii aannu xisaabtan jirina meesha waa la isla lumayaa, nin shaqadiisa qabsan waayeyna waxba loo kordhin maayo. Waa la ogaa inay waajibtahay in doorasho dalka laga qabto. Waa logaa in doorashaddu waqtigaas dhacayso, una mudaysan tahay. Ilaa hadda xukuumaddu golaha sharci-dejinta umay gudbin xeerkii diwaangalinta, waxaanna la oghayahay in diwaangelintu sida qorshuhu yahay dalka ka bilaabmayso bil ka bacdi (bisha September),” ayuu murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga UCID.