Mucaaridnimada Somaliland Waa Xanuun Xumad Badan, Aniga Ayuu Hore Iigu Dhacay, Dawada xanuunka Mucaaradka…

Mucaaridnimada Somaliland Waa Xanuun Xumad Badan, Aniga Ayuu Hore Iigu Dhacay, Dawada xanuunka Mucaaradka…

MUCAARIDNIMADA

Hargey, (Salaanmedia.com)- Xoghayihii hore ee arrimaha gudaha iyo xidhiidhka Gobolada Somaliland ee Xisbiga UCID Cabdi Maxamuud Saleebaan (Migiste), ayaa sheegay in mucaaridnimada Somaliland tahay xannuun leh xumad daran, isla markaana waxa uu taxay qodobo uu ku sifiiyey mucaaridnimada maanta taala dalka Somaliland. Sidaana waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu xalay soo gaadhsiiyey xarunta Wargeyska Ogaal ee magaalada Hargeysa, waxaanu u dhignaa sidan:- “Mucaaridada Somaliland waa xanuun, markaa mawduucani waxa uu hor dhac u yahay qoraalo aan dhawaan soo saaridoono oo la yidhaahdo mucaaridnimada Somaliland waa xanuun. Waxaana ku cadeyn doonaa waxay mucaaridadu tahay, sida mucaaridka Somaliland u fahansaneyn waxay tahay mucaaridnimadu. Waxa kale oo aan ku cadeyn doonaa inaaney wali fahmin dimuqoraadiyada iyo waddanimada iyo waxa loola jeedo muwaadinka iyo xoriyal tal-qawlka. Mucaaridnimadu si kooban waa xisbi ama urur, shakhsi doonaaya inay badelaan qof ama urur ama xisbi doonaya inay badelaan intaas oo kale oo haysa xil ama xafiis ummadda ka dhaxeeya. Laakiin mucaaridada Somaliland waxaan u qaybiyey qaybo kala duwan, waxaana ka mid ah. 1. Shakhsi ku mucaarid 2. Xil ku mucaarid 3. Hanti ku mucaarid 4. Iska mucaarid 5. koox ku mucaarid 6. Qabiil ku mucaarid 7. Dawlad ku mucaarid 8. Xisbi ku mucaarid 10. Mabda ku mucaarid iyo waxyaabo kale oo ku mucaarid ah. Waxa Migiste uu sheegay in mucaaridka wannaagsan laga doonayo inay sheegaan wax dalka iyo dadkaba u dan ah wuxuu yidhi, “Cidda mucaaridka wannaagsan ah waxa laga rabaa inay sheegaan wax dadka iyo dalka u dan ah, sida inay sheegaan hawl ahayd in la qabto, aan la qaban ama laga gaabiyey. Waxa laga rabaa inay sheegaan wixii la qabtay, wax ka fiican oo iyagu qabanayaan. Waxa laga rabaa inay soo bandhigaan guud ahaan siyaasad ka wannaagsan ta markaa waddanku ku socdo. Marnaba mucaaridka Somaliland ma soo bandhigin wax ka wannaagsan waxa la qabtay. Cidda mucaaridka ah way dhaliilikaraan dawlada iyo xisbi kale, laakiin waa inay sheegaan wax ka wannaagsan waxay ku dhaliilayaan. Mucaaridka Somaliland waxay ka hadlaan oo aynu marqaati ka nahay kala fogeynta bulsha weynta reer Somaliland. Waxay ka hadlaan shakhsi weerar, ku xumee, ku jiqsii, qabyaalad iyo been abuur. Isku dirka bulshada reer Somaliland, waxay majara habaabiyaan dhalinyarada, haweenka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland, waxay ka shaqeeyaan kicin iyo abaabul aan dalka iyo dadka dani ugu jirin. Xataa mararka qaarkood waxay gaadhaan in ay aflagaadeeyaan qaran nimada Somaliland, waxaana qabaa aflagaadeynta qaran nimada inay tahay danbi weyn oo laga galay ummadda Somaliland. Dastuurkeenu waxa uu dhigayaa ciddii qaranka danbi ka gasha in sharciga la horkeeno oo lagu qaado danbigiisa. Mucaaridnimada Somaliland waa xanuun xumad badan, aniga ayuu hore iigu dhacay oo garanaaya ninka mucaaridka ah xanuunka haya dhibta uu leeyahay, markaa aniga ayuu igu dhacay oo ILLAHAY iga daweeyay. Ugu danbayntiina waxaan ku sheegidoonaa qoraalada danbe dawada xannuunka mucaaradka Somaliland haya.