Nani Oo Kulankiisii Kowaad Ee Sporting Lisbon Dhibaato Ku Bilawday

Nani Oo Kulankiisii Kowaad Ee Sporting Lisbon Dhibaato Ku Bilawday

nanii

Xidiga kooxda Man united ee Nani oo dhawaan amaah ugu biiray kooxda Sporting Lisbon oo qayb ka ahaa saxiixa Man united ee Marcos Rojo ayaa kulankisii kowaad ee uu kooxda Lisbon u ciyaaro ayaa dhibaato ku bilawday.
Nani ayaa kooxdan ka qasaariyay Rekoore halka uu kaadhka digniinta ahna qaatay. Daqiiqadii 77 aad ayaa ciyaarta laga saaray si looga badbaadiyo in uu markale qalad galo taas oo keeni lahayd in la siiyo kaadhka cas ama ciyaarta laga saaro.
Nani ayaa fursad loo siiyay in uu goolkisii kowaad kooxda Sporting Lisbon u dhaliyo, iyadoo daqiiqadii 63 aad ee qaybtii danbe ee ciyaarta loo dhiibay rekoore, laakiin Nani ayaan rekoorahaa gool u badalin.
Carlos Mane ayaa culayska ka qaaday Nani ka dabi markii uu kooxdiisa u dhaliyay gool waqtiga dhimashada taas oo kooxdiisa guushu ku raacday.Kooxdan ayaa ah tii uu Nani ciyaaraha ka soo bilaabay