NIN HADAL KU QANCIN WAYAY SHAQSI MAASUUL QARAN MA NOQON KARAA WAA MAYA. SU’AAL LAWADIYAY SIYAASIIN WAWEYN OO CAAY ISU BEDASHAY.

imageWAA SHEEKO DHACDAY

OO QABSATAY MR QABO IYO SAXIIBKII KEYSE GURAY
Waxay ahayd maalmihii ugu dambeeyay bishii Ramadan
Waxaanu afurada ku sugaynay Nomad Restaurant oo ku yaala galbeedka london dadku way sooman yihiin waa saacadihii ugu dambeeyay dadku ilahay ayay u af xidhan yihiin waxaa goobta ku sugan tiro dad ah waxaa albaabka kasoo galay labada nin ee ku caan baxay guul wadaynta maxamed qabo iyo keyse guray way fadhiisteen mr qabo ayaa bilaabay cay wuxuu cayayaa labada website ee kala ah baligubadle media iyo hadhwanaagnews wuxuu aad ugu celceliyay cayda labadaas website isagoo leh waxay been iyo meel ka dhac ku sameeyeen madaxweynaha somaliland md axmed siilaanyo garanmayno cida uu la haysto ama is maqashiinaayo wuu sii watay wixii uu ku hadlaayay markuu aamusi waayay waxaa su’aal waydiiyay nin dhalinyaro ah oo dadka meesha fadhiyay ugu da yaraa Magaciisana laygu sheegay muuse diiriye sandaq muuse wuxuu mr qabo waydiiyay oo ku yidhi maxaad labada website ku haysataa miyaanad ahayn ninkii shalay lahaa madaxweyne siilaanyo waa dambiile waa gacan ku dhiile maxkamad baan saarayaa looyaraan u qabsaday london baanu ku xidhaynaa maxaad waxaas ugu lahayd madaxweynaha hadaad maanta sidan ugu doodayso mr qabo umuu jawaabin inankii yaraa ee uu awowga u noqon karaayaye wuu caytamay isagoo aad ugu aflagadooday inankii yaraa kadib inankii yaraa wuxuu ku yidhi adigoon waxba caytamin waxay ahayd inaad ka jawaabto su’aasha aan ku waydiiyay mr qabo isagoo aad u xabaaqsan oo qawlalada ka xunbaynaaya ayuu sii watay aflagaadadii halkaas markay marayso waxaa is hayn kari waayay qabo saxiibkiis keyse guray oo intuu soo booday ku yidhi qabo waar waxan yar ama u jawaab ama ka baydh anaga u jawabeynee, muuse yare isagoo si aad u degan ula hadlaaya ina guray wuxuu ku yidhi oo maxaad la gubatay adigu miyaanad ahayn ninkii markuu dawladii riyaale wasiirka ka ahaa yidhi axmed siilaanyo dalka masoo geli karo sidii qabo si ka daran ayuu isna u xanaaqay oo hadalo meel ka dhaca ku yidhi inankii dadkii goobta joogayna aad bay ugu qosleen labadan nin ee waweyn ee ummada xilalka u soo qabtay ee walina ka raba haddana qancin kari waayay inanka yar ileyn wanaan ogayne sow waxay ogayeen in madaxweyne axmed siilaanyo goobta imanaayo isagoo kula afuraaya qaar kamida jaaliyada reer somaliland markaas sow waa hordhac guul wadayn. labadii nin oo aad u cadhaysan wajiyadoodana laga arkaayo cadha iyo dadkayagii goobta joogay oo aad ula yaabsan ragan waweyn dulqaad yaridooda ayaa waxaa soo dhawaaday wakhtigii afurada debadeed ileyn waa niman ay caloosho shaqaynayso oo aan damiirku shaqaynayne markiiba waxay ku yaaceen qaybta hoose ee Restaurantka oo ah halka loo diyaariyay madaxweynaha waxaan maqli jiray nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday
By khadar xasan axmed
Khxasan@hotmail.com