Ra’iisulwasaare Erdogan Oo kubad Saaxiibtinimo ciyaaray Iyo Xiddigaha caalamka oo la Yaabay farsamadiisa

Ra’iisulwasaare Erdogan Oo kubad Saaxiibtinimo ciyaaray Iyo Xiddigaha caalamka oo la Yaabay farsamadiisa

ERDOGAN

Raiisul wasaaraha dalka Turkiga Reccep Deyip Erdogan ayaa waxa uu ka qeyb qaatey kulan saaxiibtinimo ah oo kubbada cagta ay kuwada ciyaareen siyaasiyiin iyo laacibiin hore oo cuslaadey. Kulanan kubbada cagta ah ayaa lagu maamuusayey furitaanka garoon cusub oo dhawaan laga hirgeliyay magaalada Istanbul, waxaana kulankan ka qeyb qaatey ciyaaristiisa ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Erdogan, kaasoo dad badna afka gacanta saarteen kadib markii ay arkeen sida uu xirfada wanaagsan ugu leeyahay kubbada, (Erdogan wuxuu ahaa laacib kubadeed oo hore) Erdogan ayaa loo xiray Number-ka 12-aad iyadoo macnaha laga damacsanaa uu yahay inuu noqonayo madaxweynihii 12-aad ee Turkiga doorashada bisha soo socota dhici doonta oo si weyn loogu saadaalinayo inuu kusoo baxo. Saddex gool oo qurux badan ayuu dhaliyay Erdogan taasoo la yaab ku noqotay dadkii daawadey, gaar ahaan kuwa kubbada cagta xiiseeya iyo laacibiinta dunida, maadaama Erdogan uu yahay 60 jir, balse siduu u ciyaarayo la moodo 40 jir iyo ka hoose.