Sharciyo Cusub Oo lagu soo rogay Kooxda Barcelona

Sharciyo Cusub Oo lagu soo rogay Kooxda Barcelona

BARCILONA

Tababaraha cusub ee kooxda Barcelona LUIS Enrique ayaa ku soo rogay kooxdiisa sharciyo adag iyo waliba ganaax lacageed haddii ay ka talaabaan sharciyada uu ku soo rogay. Ganaaxa lacageed uu ku dhici doona ciyaartoyda Barcelona haddii ay jabiyaan shuruucdan ayaa u dhexeysa 1,000 ilaa 6,000 oo EURO. Sharciyadan uu Enrique ku soo rogay Barcelona ayuu wax badan kala siman yahay kuwii uu Pep Guradiola ku dhaqi jiray kooxdan balse la dabciyay markii uu kooxda ka tagay. Si kastaba ha ahaatee ma jiraan wax ganaax lacageed oo la dul dhigay laacibkii wax qaniinay, maadaama uu kooxda Barcelona dhawaan ku soo biiray laacibka qaniinyada ku caanka baxay ee Luis SUAREZ. Haddaba akhriso sharciyada lagu soo rogay Barcelona. 1.Ciyaartoyda waa inay yimaadaan saacad ka hor inta aanu bilaaban tababarku. 2.Ciyaartoyda waa in aanay ka soo daahin cunnada kooxda. 3. Khamirugu gabi ahaan waa la mamnuucay inta lagu gudo jiro cunto cunista. 4.Ciyaatoydu waa inay joogaan xaafadahooda saqda dhexe. 5.Bayaanada ka imaanaya ciyaartoyda waa inuu marwaliba noqdaa mid tixgalin-badan. 6.Ciyaartoyda waa inay masuul ka noqdaan marka ay isticmaalayaan shabakadaha bulshada sida TWITTER, FACEBOOK iyo Instagram. 7.Ciyaartoyda waa inay xidhaan dharka rasmiga ah ee kooxda marka lagu gudo jiro shaqooyinka kooxda. 8.Ciyaartoyda waxaa laga mamnuucay dhaq-dhaqaayada halista ah sida ciyaaraha Barafka iyo isticmaalka ama wadista mootooyinka. 9. Falal darran oo dhaqan xumo ah waxaa ka dhalan kara in ciyaartoyda laga caydhiyo kooxda.