Shirkadaha Apple iyo Samsung Oo joojiyay dacwado ka socday Sagaal waddan

Shirkadaha Apple iyo Samsung Oo joojiyay dacwado ka socday Sagaal waddan

IPHON

Shirkadaha Apple iyo Samsung ayaa ku heshiiyay inay ka joojiyaan dhamaan kiisaska sharci meelaha ka baxsan Maraykanka, labadan shrikadood ayaa waxaa ka dhexeeya dagaal ba’an oo mudooyinkan aad u soo badanayay kaasi oo la xidhiidha murannada sharciyeed. Labada shirkadood ee Apple iyo Samsung ayaa isku raacay in muranadooda dunida sida aadka ugu fidayo ay ku soo koobaan kaliya Maraykanka gaar ahaan arimaha la xidhiidha shuruucda. Dooda la xidhiidha dacwadaha labadan shirkadood ayaa waxay ka socotay sagaal waddan oo ka baxsan Maraykanka oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Kuuriyada Koonfureed, Jabaan, iyo Jarmalka. Hadal qoraal ah oo ay si wad jir ah u soo saareen ayaa lagu yidhi “ Arimaha la xidhiidha shuruucda iyo waxyaabaha aan isku haysanno waxaan ku ka sii wadaynaa Maraykanka anagoo aqbalnay in lagu dabaqo shuruucda Maraykanka iyo go’aanka maxkamadda. Labadan shirkadoo ayaa ah kuwa dunida ugu haysto soo saaridda Mobilada iyo kombiyuutarada casriga ah, iyadoo midkoodba haysta macaamiil malyuumaad kor u dhaafaysa, balse waxaa wayadaan ka dhexeeyay muranno aad xoogan iyo dacwado meelo badan ka kala socday.