Soo Laabashada Madaxweyne Siilaanyo,Qabyada KhilaafkaKULMIYE, Iyo Hogashada Siyaasada Arrimaha Dibada.

Soo Laabashada Madaxweyne Siilaanyo,Qabyada KhilaafkaKULMIYE, Iyo Hogashada Siyaasada Arrimaha Dibada.

SOO LAABASHADA ZII

Hargeysa(Salaanmedai.com):- Iyada oo la filayo in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo in muddo ah safar ugu maqnaa dalka Dalka ingiriiska, inuu ku soo laabto waddanka maanta, ayaa hadaba dhinaca kale waxa soo baxaya waydiimo la xidhiidha qabsoomida shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE oo la mudeeyay 5 bishan August. Inkasta oo aan mudeyntaa la isku raacsanayn oo ay ku kala jabeen hogaanka sare ee Xisbigu, taasina ay sii hurisay khilaafkii Xisbiga, hadana maalma yar horteed Ramadaantii dhamaatay, ayaa warsaxafadeed ay soo saareen hogaanka Xisbiga intiisa kale oo aanay ku jirin Guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka kowaad lagu shaaciyay in shirka Golaha dhexe dib loo dhigay, lana muddeeyay 5 bishan August oo ku beegan Salaasada soo socota. “Umaleyn maayo inuu shirku ku qabsoomayo muddadaa,xaalkuna waxa uu u eeg-yahay in faraha la gala baqayo in si dhab ah loo jeexo ubucda khilaafka”Sidaa waxa ku dooday mid ka mida xubnaha Xisbiga KULMIYE. Ka hor intii aanu Madaxweyne Siilaanyo u duulin dalka Ingiriiska waxa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha ay kala irdhoobeen ee Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, isla markaana siday tibaaxeen xogihii markaas laga soo xigtay dadkii u dhuun daloolay kulankaasi,is cafis iyo is maca salaameyn ka sakow waxa lagu kala tagay in la isla sugo xaajada inta uu madaxweynuhu soo laabanayo. Sidaa daradeed waxay u muuqataa in Madaxweyne Siilaanyo ay haatan horyaalaan caqabado furdaamin iyo sixid u baahan, oo uu ugu weyn yahay khilaafka Xisbiga KULMIYE oo saameyn weyn ku yeeshay hab-socodkii shaqada qaranka, ilaa hadana ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xisbigaoo dib loogu dhigayo Shirkii Golaha dhexe. Dhinaca kale, waxa weli xidhan xuduudka ay Somaliland la wadaago dalalka deriska ah.isla markaana waxay weli xaqiiqdiisu laalan tahay, wararkii uu Wasiirka Arrimaha Dibadu Maxamed Biixi Yoonis uu hore u shaaciyay, ee uu ku sheegay inay Ethiopia balanqaaday inay fureyso xadka, kadib wada-hadalo ku dhexmaray Adis-ababa labada dhinac. Xisbiyada Mucaaridka ah ayaa iyana ku eedeyey xukuumadda Somaliland inay ku soo oodantay Siyaasadii arrimaha dibadu. “Xukuumadu way og tahay sababaha xuduudaha loo xidhay, anaguna waanu og-nahay, haddii ay sheegi-waayeen annaguna Sheegi mayno, laakin waxaan leeyahay haddii uu mucaaridku awood u leeyahay inuu xuduudaha Jabuuti iyo Ethiopia xidhi karo,furina karo, dee isaga taga meesha aanu furnee.”Sidaa waxa yidhi Guddoomiye Kuxigeenka Sadexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) mar uu shalay la hadlayay qaar ka tirsan warbaahinta. Akhristayaal marka hore maalin wanaagsan. Marka xiga waxaynu isu haysanaa dad qurux badan oo magaalo qurux badan ku nool inaynu nahay,laakin waxaan isleeyahay ma nihin sidaa, ee waxaynu nahay dad fool xun oo ku nool magaalo fool xun.Waxaan uga socdaa taa dadku waxay qurux badan yihiin markay dantooda garanayaan ee waxay doonayaan iyo waxa dhibta ku ah waxay doonayaan kala garanayaan. Haataan Magaalada Hargeysa xashiishka dhex yaala oo kaliya ayaa aynu maareyn kari la’anahay sidii loo basrin lahaa ayaa tusaale u ah garashadeena. Waynu anbanee aynu wax isweydiino.!