Taageerayaasha XISBIGA WADDANI laamihiisa Debed oo Hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Chief Caaqil Farah Chief Caqil Cabdillaahi Muuse.

Taageerayaasha XISBIGA WADDANI laamihiisa Debed oo Hambalyo iyo bogaadin u dirayaan Chief Caaqil Farah Chief Caqil Cabdillaahi Muuse.

 

Waxa ay taagerayaasha XISBIGA WADDANI Lamihiisa Debedu Hambalyo iyo Bogadin u dirayaan Chief Caaqil Farax Chief Caaqil Cabdillaahi Muuse ABDULLE oo lagu Caleemo saarayo magaalada BURCO maanta oo sabti ah.

Waxaanu Eebe uga rajaynaynaa inuu u fududeeyo Xilkaa loo egmaday.

Isna uu raaco sunihii qoska uu ka soo jeedo.

Chief Caaqilka taariikhda qoyska uu ka soo jeedo oo koobani hoos ka bogo.

 

haddaba caaqilka cusubi wuxuu kasoo jeedaa qoys taariikh aad u facweyn ku leh guud ahaan gayiga dadka afka somaliga ku hadlaa degaan aadna looga wada yaqaano caaqilka cusub aabihii wuxuu ahaa Chief Caaqiladii ugu magaca waynaa dhulka ay somaligu degto gaar ahaan somliland wakhtiyadii uu dhulka haystay gumaysigii reer europe wuxuu kaloo kamid ahaa abwaanada ugu magaca wayn ee taariikhda somalida soo martay isagoo gabayo aad u qiimo badan iyo murti badan ka tegay ilaahay ha u naxariistee Cabdilahi Muse Jiciir, waxa kaloo caaqilka cusub ay walaalo ahayeen ilahay ha u naxariistee xaji Cabdi Cabdilahi muuse oo ahaa abwaan ilahay xikmad iyo hal abuurnimo ku manaystay taariikh cajiibana ku lahaa guud ahaanba inta af somaliga lagaga hadlo iyadoo labadoodba Cabdilahi muuse Iyo inankiisa Xaji Cabdi Cabdilahi Muuse lagu dhigan jiray maansooyin iyo gabayo ay lahayeen fasalada 7aad Iyo 8aad ee schoolada wakhtigii somlidu midka ahayd,waxaanu ku rajo waynahay inuu Chief Caaqil Farax Chief Caaqil Cabdilahi Muuse hadii ilahay kusimo inuu isna taariikh cusub u dhigi doono ummada Reer Somaliland ugana tegi doono dhaxal meel mara sida ay AABIHII IYO WALALKIIBA hore ugu dhigeen taariikhda umadaha afka somaliga ku hadla oo dhan waxaanu ilahay uga baryaynaa inuu xilka iyo masuuliyada ku garab galo oo u fududeeyo xaalad kasta

 

Alla Mahadleh

image