Tababare Dunga: “Neymar Weli Xiddig Maaha”

Tababare Dunga: “Neymar Weli Xiddig Maaha”

MAYNAROS

Laacibkii hore ee xulka Brazil Dunga ee dhawaan loo magacaabay tababaraha cusub ee xulkaasi kaddib markii uu is casilay Luiz Felipe Scolari ayaa aaminsan in Neymar aanu weli xiddig ahayn ilaamaa uu ku guuleysto koobka adduunka.
Inkastuu Dunga qirsan yahay in Neymar yahay laacibka ugu sarreeya ee dalkiisa waqtigan ayuu misane aaminsanyahay in aanu weli xiddig ahayn “Waa laacibka ugu fiican Brazil, laakiin xiddig ma ahan, si aad u yeelato derajo xiddignimo waa inaad ku guulaysataa koobka adduunka”. Ayuu Dunga u sheegay Epoca. Wuxuuna intaa ku daray “Laakiin waxaynu ka shaqeynaynaa si aan u hubino midaa, marka uu isagu la jiro xulka wuxuu soo bandhigaa heerka ugu sarreeya kaasoo qeexaya xiddignimo