Tababare Iyadoon la is-gaadhin Quus ka istaagay Ku Guulaysiga Premier League

Tababare Iyadoon la is-gaadhin Quus ka istaagay Ku Guulaysiga Premier League

TABABRE QUUS

Macalinka kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa moodaa in uu niyada ka jabay kadib guul darradii xanuunka badnayd ee kooxdiisa Man City 3-0 lagaga qaaday koobka FA Community Shield, iyadoo kooxda Arsenal cashir u dhigtay waxaana uu ku micneeyay in aanu kooxdooda difaacan karin horyaalka Premier League. Kooxda haysta horyaalka England ayaa waxaa garaacday kooxda Arsenal kuwaasi oo ku kulmay kama dambaystii koobka Community Shield xilli macalinka kooxda Blues-ka Pellegrini uu sheegay in ay ka maqnaayeen sideed ciyaaryahan oo muhiim ah. Xiddigihii City ee ka soo qayb galay koobka aduunka qaarkood ayaan kooxda ka soo xaadirin sida Vincent Kompany, Pablo Zabaleta, Fernandinho, Sergio Aguero, Bacary Sagna iyo Martin Demichelis kuwaasi oo aan tababar fiican haysan. Pellegrini ayaa qiray in ay awood yare dareemayn qaabka ciyaarta looga haystay waxaana uu qiray in aanay jirin fursad ay kaga badiyaan kooxda Newcastle kulanka furitaanka horyaalka oo Axada soo socota ay yeelan doonaan “Ciyaaryahanada Aguero, Zabaleta, Demichelis, Kompany, Sagna, Fernandinho waxaa ay kooxda yimaadeen todobaad ka hor diyaar uma noqon karaan ciyaar adag”Ayuu yidhi Pellegrini waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Waxaan haysanaa maalmo kooban oo ka dhiman furitaanka Premier League