Tababare Mourinho Oo Carabka Ku dhuftay inuu Ciyaartoy Kasta Fursad Heli doonno

Tababare Mourinho Oo Carabka Ku dhuftay inuu Ciyaartoy Kasta Fursad Heli doonno

CIYAARTOYY KASTA

Tababaraha kooxda Chelsea Jose Mourinho ayaa carabka ku dhuftay in dhammaan ciyaartoydiisa ay heli doonaan fursad ay ugu ciyaaraan safka hore ee kooxda.
Chelsea oo awalba la ciiraysay xiddigo badan ayaa misane waxaa xagaagan ku soo biiray Diego Costa,Cesc Fabregas, Filipe Luis iyo Didier Drogba “Waxaad ciyaaraysaa 60-kulan xagaagii mana ku ciyaari kartid isla ciyaartoyda markasta”Ayuu Jose u sheegay bogga rasmiga ah ee kooxda Chelsea. Wuxuuna intaa ku daray “Saddexda toddobaad ee ugu horreya waxaad leedahay hal kulan toddobaad kasta, laakiin intaa kaddib, koobabka ayaa bilaabanaya, Champion League, kulamada caalamiga, sidaa darteed waa inaad shaandheysaa ciyaartoyda.Qof-waliba fursad ayuu heli doonaa, cidna ma dareemi doonto inay yihiin dookha koowaad ama dookha labaad”. Tusaale ahaan, khadka dhexe waxaynu heysanaa John Obi Mikel, Nemanja Matic, Ramires, Fabregas iyo Marco van Ginkel, sidaa darteed qof-waliba wuu ciyaari doonaa wuxuuna dareemi doonaa inuu wax ku ool yahay”.