Tababare Wenger Oo Suuqa ka dhex-raacinaya Cidii Buuxin lahayd Booskii U Banneeyay

Tababare Wenger Oo Suuqa ka dhex-raacinaya Cidii Buuxin lahayd Booskii U Banneeyay

WENGER

Thomas Vermaelen Tweet Macallinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa daboolka ka rogay inuu weli u baahan yahay saxeexa difaaca dhexe , isagoo sheegay inuu doonayo inuu buuxiyo booskii uu baneeyay kabtankoodii Thomas Vermaelen. Difaaca xulka qaranka dalka Belgium ayaa u dhaqaaqay kooxda ku ciyaarta garoonka Camp Nou, isagoo si buuxda u dhameystiray ku biiritaankiisa kooxda Barcelona, kadib markii uu iska diiday ku biirada Manchester United oo ahayd kooxdii ugu horeysay oo dalab u soo dirta, arrintaas oo keentay in Gunners ay dareento inay ku yar yihiin dookhaga difaacyadeeda dhexe. Laurent Koscielny ayaa habeen hore hormuud u ahaa difaacayada kooxda Arsenal ku soo guul muhiim ah ka gaadhay Manchester City kuna guulaystay 10 sanno kadib koobka Community Shield, maadaama Per Mertesacker aanu ciyaarin kulankaas, walow uu tababarka dib ugu soo laabtay, Wenger ayaa diyaar u ah inuu kooxdiisa ku soo biiriyo xiddig ka ciyaara difaaca dhexe si uu u xoojiyo wadnaha difaacyadiisa.