Thomas Vermaelen Oo Warqad Mahad-celin ah u soo diray taageerayaasha Arsenal Kabtankii hore ee kooxda Arsenal

Thomas Vermaelen Oo Warqad Mahad-celin ah u soo diray taageerayaasha Arsenal Kabtankii hore ee kooxda Arsenal

THOMSON

Thomas Vermaelen ayaa isaga oo adeegsanaya aalada Instagram ayaa waxaa uu ugu mahad celiyay taageerayaasha kooxdiisii hore ee Arsenal, kuwaasi uu ku sheegay in ay ku taageereen sidii uu ugu biiri lahaa kooxda Barcelona. Vermaelen ayaa kooxda Gunners ku soo biiray sannadkii 2009-kii isaga oo kabtan ua ahaa tan iyo sannadkii 2012-kii waxaana uu ku tilmaamay kooxda Arsenal koox aad u wanaagsan. Difaacan ayaa dhaawacyo hadheeyay darteed kursiga kaydka u galay labada difaac Laurent Koscielny iyo Per Mertesacker xilli ciyaareedkii la soo dhaafay “Shan sanno oo aan kooxda Arsenal joogay,sidoo kale laba sanno oo aan kabtan ahaa markan waa xilligii aan dhaqaaqi lahaa”Sidaa ayuu warqada ku soo qoray.waxaanu hadalkiisii sii raaciyey “Kooxda,taageerayaasha,macalinka dhamaan qaybaha kale duwan ee kooxda Arsenal aad ayaa ugu mahad celinayaa waa gurigayga oo kale mar uuna waa ku soo laaban doonaa Emirates Stadium.” Si kastaba xiddigan Thomas Vermaelen ayaa isaga tagay kooxda Arsenal isaga oo £15milyan ugu biiray kooxda Barcelona taasi uu qalinka ugu duugay shan sannadood.