Wasiirka Caddalada Somaaliland Oo Dhagax Dhigay Xafiisyo Cusub oo ay ku Yeelan Doonto Wasarada Caddaladu Gobolka Togdher

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxmed Muse Diriye iyo Wasiirka Cadaalada Somaliland Xusen Axmed Caydiid oo Munasibaddii Dhagax dhiga hadal kooban ka jeediyey

eeee

Burco(salaanmedia.com)-Wasiirka Caddalada JSL Md Xuseen Axmed Caydiid oo Saaka Aroornimadii Hore soo Gaadhay Magaalada Burco ayaa saka Dhagax dhigay Dhismayaal Xafiisyo Cusub oo ay yeelan doonto Maxkamadda Gobolka Togdheer, Xafiisyadaasi oo Wasaarada Cadaalada ka caawinayso Hay’adda Caalamiga ah ee UNDP

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxmed Muse Diriye iyo Wasiirka Cadaalada Somaliland Xusen Axmed Caydiid oo Munasibaddii Dhagax dhiga hadal kooban ka jeediyey ayaa u mahadceliyey Hay’ada Dhisaysa Xafiisyadani, sidoo kale tilmaameen muhiimadda ay xafiisyadani u leeyihin Maxkmadda iyo Bahda Garsoorka oo ku shaqeeya xafiisyo an qalabaysnayn isla markaasna duug ah. Waxay sheegeen in dhismayaashan ay ka mid yihiin Xafiiskii Wasaaradda Cadaalada ee Gobolka Togdheer, isagoo si gaar ah wasiirku u xusay in sannadkan xafiiskii 3aad ee Wasaaradda Cadaaladu ku yeelato
Gobolada uu noqonayo Xafiiskani, iyadoo Bilihii la soo dhaafay ay ka soo fureen xafiisyo cusub Gobolada Sool iyo Sanaag, Wasiirku wuxu tilmaamay in Qorshaha wasaaradda cadaalada ay tahay in Maamul daadajin la sameeyo oo gobolada ay si fiican wasaaraddu uga shaqayso.
Wasiirku wuxu wax ka iftiimiyey adeegyada xafiiskani qaban doono oo uu ka mid yahay bu yidhi ka war haynta maxaabiista, kuwa muddo dhaafka ah, kuwa iska xidhan ee an sharciga la hor keenin iyo waxyaabo la mid ah oo ay ka shaqayso wasarada cadaaladu.

Masuul ka socday UNDP ayaa isaguna halkaas ka sheegay in Burco ka mid tahay Gobolada Kaalinta ugu muhiimsan ee dhinaca cadaalada ay kala shaqayso Hay’addoodu isla markaasna dhinacyada dhismayaasha iyo tababarada ba ay ka saaciddo.