Wasiirka Warfaafinta oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geeridda Suxufigii Weynaa Ee C/Weli Faarax Jaambiir

Wasiirka Warfaafinta oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geeridda Suxufigii Weynaa Ee C/Weli Faarax Jaambiir

DAAWO MUQAAL : Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Cukuse Oo Ku Dhawaaday Go’aamo Kasoo Baxay Xukuumadda Somaliland .

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii, bahda saxaafadda iyo shacbiga Somaliland-ba oo uu ka tacsiyadeeyay ALLE ha u naxariistee Marxuum- Cabdi-weli Faarax Jaambiir oo galabta ku geeriyooday caasimadda Hargeysa. Wasiirka Warfaafintu wuxuu sidaasi ku sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray galabta waxaanu ku yidhi “Waxaan ka tacsiyadeynayaa qoyskii, qaraabadii, bahda Saxaafadda Somaliland iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ka tacsiyadeynayaa geeridda ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum-Cabdi-weli Faarax Jaambiir oo galabta ku geeriyooday caasimadda Hargeysa, waxaan ILAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii, bahda saxaafadda iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Marxuum-C/Weli Faarax Jaambiir waxa uu ahaa suxufi weyn oo ruug-caddaa ah iyo aqoon yahan mihnadle ah oo kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay tisqaadka saxaafadda Somaliland. Waxaanu noqon doonaa tiir weyn oo ka baxay saxaafadda dalka. Waxaanan ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo bahdii saxaafadda iyo qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.” Marxuum-Weli Faarax Jaambiir waxa uu saxaafadda ku soo jiray ku dhowaad muddo labaatan sanadood ah, waxaanu ka soo shaqeeyay wargeyska Jamhuuriya, TV-ga Somaliland Space Channel iyo Wargeyska OGAAL oo uu ka mid ahaa masuuliyiinta sar-sare ee wargeyskaas.