Waxaan Imi Meel Raxmad Baddan,Waxaan Noqon Doonaa Shahiid jano-gala,Wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe

Waxaan Imi Meel Raxmad Baddan,Waxaan Noqon Doonaa Shahiid jano-gala,Wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe

FAYSAL WIIL UU DHALAy

Hargeysa, (Salaanmedia.coml)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa xaqiijiyay inuu isagu dhalay wiil ku biiray Kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa Ciraaq iyo Suuriya, Kaas oo lagu magacaabo Xuseen Faysal Cali Waraabe. Wiilkan uu dhalay guddoomiyaha Xisbiga UCID oo la yidhaahdo Xuseen Faysal Cali Waraabe, waa 22 -sanno jir, waxaana laga war helay inuu ku sugan yahay waddanka Ciraaq,kadib markii horaantii sanadkan mar keliya la waayay. Xuseen Faysal Cali Waraabe ayaa laga dhex arkay muuqaalka Cajalad VIDEO ah oo ay soo saartay xarakadaasi,taasi lagu soo beegay munaasibaddii Ciidul fidriga, waxaana cajalada ka dhex muuqday Xuseen-Yare oo ku hadlaya luuqada Finishka isaga oo sheegaya inuu ku biiray dawladdaas Islaamiga ah, isla markaana uu calanka Islaamka ka taagi doono dalka labaad ee uu ka soo jeedo ee Findland. Xuseen faysal Cali ayaa ku barbaaray waddanka FINLAND isaga oo muddo dheer deggenaa magaaladda Espoo ee dalkaas, hase-yeeshee uu sanadihii u dembeeyay mar u soo wareegay dhinaca SOMALILAND halkaas oo dhaqan celin loo keenay,balse loo taag waayay. Sida laga WAR-qabo bishii February ee KAL hore 2013-kii ayaa Wiilkan iyo gabadh uu guursaday oo ka soo jeeday deegaanka Wajeer ee dalka Kenya waxa lagu qabtay magaalada Laassnaacood iyaga oo doonayey iney galaan Koonfurta Soomaaliya si uu uga mid noqdaan dagaalyahanada Al-Shabaab. Kooxda Daacish ayaa muuqaal ay inankan oo magaciisa ku sheegay Abu Shucayb Al-Somali ka duubeen soo galiyay barta Internet-ka ee YouTube-ka,waxa uu ku sheegay muuqaalka inuu Finland ka soo hijrooday“Waxaan imi meel raxmad baddan,waxaan noqon doonaa shahiid jano-GALA,waanan ku farax-sanahay inaan ku soo biiro Mujaahidiinta ISIS iyo dagaal-yahanada ka dagaalama Ciraaq ”.Ayuu yidhi Xuseen Faysal Cali Waraabe. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa xaqiijiyay inuu dhalay Xuseen faysal Cali Waraabe oo ku biiray Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Suuriya, waxaanu yidh “HORTA Wiilku waa wiilkaygii, Al-xamdulillaahi, waa Wiilkaygii.Waxa uu ku dhashay Finland. Saddexdii sanno ee u dambaysay ayuun-buu Inan ka yari uu Salaaddii iyo Diintii Bilaabay, wuu fiicnaa haddii uu DIINTA bartay oo waaban ku faraxsanaa Inan yar oo Yurub jooga oo Diinta baranaya ayuu ahaa. Laakiin sannadkii 2013-kii ayaa la waayay, inta uu guursaday oo gabadhiisiina kaxaystay, kadibna Hargyesa ayuun-baa lagu arkay isagoo dhuumanaya oo HOTEL loo diiday inay seexdaan isaga iyo Xaaskiisu. Markaa waxa la Ogaaday isagoo la leeyahay Gabadha inaad qabto soo xaqiiji, ka dibna waxaa la yidhi Inankii Xuseen ayaa halkan jooga, sidaas ayaana lagu soo kaxeeyay oo Guriga lagu keenay.” Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Markii sannadkaasi 2013-ka Hargeysa wiilkiisu yimid uu uga shakiyay inuu Al-shabaab u socdo, islamarkaana laga qaaday laba Basaboor oo uu sitay, Ilaaladiisana uu ku balamiyay sidii ay u ilaalin lahaayeen balse uu goor habeen ah ka baxsaday, cidna ay ugu dambeysay isagoo ku sii jeeda Boosaaso oo uu Basaboor ka raadsanaya “Baasaaboorkiisa oo ka dhacsanaa ayaa uu hadda dib-u-cusboonaysiistay, kadib waa uu naga baxsaday, waxaanu ogaanay inuu tegey Turkiga, una sii gudbay Suuriya…mar baanu xataa maqalnay inuu geeriyooday hase yeeshee been bey noqotay.”Sidaa waxa Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe ku sheegay mar uu shalay u waramayey Idaacada BBC-da qeybteeda Af-ka Soomaaliga.