XEELADDAHA KU HOOS JIRA DIIWAAN GELINTA IYO DOORASHOOYINKA SOMALILAND 2015: MAANSO {Mohamoud Arrale)

maanso
1.       Sodon iyo badhbaa igaga tegay oon same u taagnaane
 
2.       Soodh iyo warmaa aan u dhigay sadarka maandhowe
 
3.       Saaxiibayaal baa ku maqaan saana lagu waaye
 
4.       Welina may sal dhigan meeshii aan saanta dhigilayne
 
5.       Waxaan ahay senteri gaadha oon seexan goornaba’e
 
6.       Saannad iyo hub kuma gaadhni iyo leebki aan sideye
 
7.       Samaca iyo aragiyo caqlaan sax u adeegtaaye
 
8.       Sirna uuma taagniye samaan ugu siyaaxaaye
 
9.       Si xun sheega layguma yaqaan saani hadalkaye
 
10.   Subax noolba wixii taagan baan lay sawirayaaye
 
11.   Sadna kuma qabee daacaddaa igu siman hooye
 
12.   Sin saraada in yari maagantaan sare u sheegaaye
 
13.   Siyaasiga wax leexshiyo dalkaan kala sabayaaye
 
14.   sahankiyo horseed kaan igmad socodkay gaabsheene
 
15.   Sida caawa ay maaganyiin ila yar suureeya!!!!!!
 
16.   Saa la yidhi saliga soo dhiga oo suga dastuurkena
 
17.   Suryo dayasho seerseerin food lama sugayntaase
 
18.   Sasabaa inta lagu wadaa suu u dhicilaaye
 
19.   Saabaankii waa noo dhanyaa laga sugaayaaye
 
20.   Haddii ay wax saadaal xunyiin lama saluugene
 
21.   Sixirka iyo is yeelyeelkan baa laga sasaayaaye
 
22.   inta sayn caduhu maagan yahay sahashigaas foodka
 
23.   Sabi iyo ciroolaba lawaa ruux  ku saakime
 
24.   Siday noqon Alla oge iyana saaka bal an dhawro.
 
25.   Oo in ay samaatoo la helo sacabadaw taagno.
 
 
 
26.   Soomal haadka foodkii hora  siiftii nagu taale
 
27.   Siganee marbay nala damcee inaan saqiiraye
 
28.   Samir baan ka wadda yeelanee suuf umay dhigane
 
29.   Sadqo iyo wax maaganayd suurta u afuufe
 
30.   Sanaadiiq la boobiye dilbay ugu safnaaye
 
31.   Sikhsikhaadna ma ay lahayn siday ku ceesheene
 
32.   iska siiya uunbay ahayd sigatay maandeeqe
 
33.   Sifa food umu dhicin marnaba saxi foosiye
 
34.   Ku sargooya uunbay ahayd laguna saameelye
 
35.   Sidig booliya lagama helo mid aad sakaysaaye
 
36.   Sax u eega golayaashi waa saylad baayaca e
 
37.   Waa taa sufuudh iyo qadhmuun suuqyadii xidhaye
 
38.   Waa taa ilaa Saylac iyo Soolba lulataaye
 
39.   Waa taa dadkii wada sinaa kala sareeyene
 
40.   Sarar iyo legbaan filaninay la isa  saaraaye
 
41.   Haddaan soortu iidaan lahayne cuno ma siibeene
 
42.   Sidaas baanu odhan aan lahayn ficil ku sataysan
 
43.   Marti sooryo lagama dhigo saymo soo maraye
 
44.   Saafyeyba  kaba sii jarteen sahaydii koobnayd
 
45.   Safkii ay ka qaadeen miyaan lagu saluugaynin
 
46.   Halkuu foodhku saaraa gadaal uga sii socoye
 
47.   Sirirnaye maxay tari  haddii saaba lagu daayo
 
48.   Samirkii isbiirsadena wuu idin sugaayale
 
49.   Sidaad doontaan yeelaay hadaad naga sokaysaan
 
 
50.   Allana waa sahliye aan dadow sawd keen kor u qaadno
 
51.   Oo kii samaan doon ah uun siino cududeena
 
 
52.    Suuro iyo dhug yeeshoo dadyaw sidan mar uun dhaama
 
 
53.   Xisbiyadda sawaxan  meerayow sax wixii leexday
 
 
54.   Odayda saluugood badow saani bal u toosa
 
 
55.   Inta wada sid dhaaftoow dhamaan saamax naga doona.
 
 
56.   Subax keliya waan hidin karnaa in aan samaanaaye
 
 
57.   Somaliland yey ku bixin  shahashigaa  muuqda
 
58.   Oo yaan sidaa loogu noqon surinkaan soo dhaafnay
 

59.   Saxa saxa ammaankeena sugga oo socodka dheereeya.