Xidhiidhka Colombia Oo Beeniyay In uu shaqada ka tagayo Macalinkooda Jose Pekerman

Xidhiidhka Colombia Oo Beeniyay In uu shaqada ka tagayo Macalinkooda Jose Pekerman

COLOMPIA

Xidhiidhka kubadda cagta ee dalkaasi Colombia ee loo yaqaano , Colombian Football Federation (FCF) ayaa ku sheegay war ay soo saareen wargeysyada dalkaasi ka soo baxaa oo ahayd in uu shaqada xulkaasi ka tagi doono macalinka reer Arjentine ee layliya xulkaasi Jose Pekerman “Ma jiraan wax cusub waa uu dhamaysan doonaa heshiiskiisa waana uu nala sii joogi doonaa in mudda ah. Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee dalkaasi Colombia Luis Bedoya Giraldo ayaa sheegay in uu jiro xidhiidh wanaagsan oo kala dhexaya macalinka xulkaasi Pekerman isaga oo beeniyay in uu shaqada ka tagi doono bisha August ee soo socota. Warbixinta ka soo baxday xidhiidhka ayaa lagu yidhi “Xidhiidhka kubadda cagta ee Colombi waxaa uu rabaa in uu la sii joogo Jose Nestor Pekerman waana codsi inkasta uu u madax banaanyahay hadana waa jecelnahay”Ayaa lagu yidhi. Si kastaba xulka Colombia ayaa koobka aduunka kaga soo baxay wareega sideed dhamaadka markii 2-1 ay kaga badiyeen xulka Brazil.