Xidhiidhka Holland Oo ku kalsoonaan Waayay Tiknoolojiyada Goolasha

Xidhiidhka Holland Oo ku kalsoonaan Waayay Tiknoolojiyada Goolasha

GOOL

Xidhiidhka Kubadda Cagta HOLLAND (KNVB) ayaa ku kalsoonaan waayay Kaamirooyinka casriga ah ee dhowaan soo baxay kuwaasoo lagu rakibo goolasha si ay u caddeeyaan kubaddii lagu murmo in ay gudaha u dhaaftay Diilinta goolasha iyo in kale. Xidhiidhku waxa uu FIFA kula taliyay in loo ogolaado bal in ay tijaabiyaan qorshe cusub oo ah in ay sameeyaan Garsoore dheeraad ah oo la shaqeeya Kaamirooyinkaasi kaasoo aqal yar looga dhisayo garoonka sida ciyaarta Rugby-ga isagoo halkaasi kala soconaya Shaashadaha ciyaarta si taxadar leh u xaqiijinaya. Haddii FIFA arrintaasi ku taageerto xidhiidhka Holland waxa uu Horyaalkaasi noqonayaa kii ugu horreeyay ee arrintaasi ku tallaabsada. Dhinaca kale Holland waxay kaloo damacsan tahay in Ciyaarta Kubadda Cagta lagu soo kordhiyo System-ka sida Ciyaarta TENNIS-ka oo kale kaasoo garsooruhu dalban karo in kaamirooyinka Muuqaalka ama Sawirradaba leh dib loogu soo celiyo wixii lagu murmo ka hor inta aanu go’aan qaadan.