Xidhiidhka UEFA Oo soo saaray saddexda Ciyaaryahan Ee isugu soo hadhay Xidigga ugu fiican Yurub

Xidhiidhka UEFA Oo soo saaray saddexda Ciyaaryahan Ee isugu soo hadhay Xidigga ugu fiican Yurub

UEFA

Xidhiidhka UEFA ayaa soo saaray saddexda ciyaaryahan ee isugu soo hadhay xiddiga ugu fiican qaaradda Yurub, waxayna u dooratay inay isugu soo hadheen saddex ciyaaryahan ee kala ah Neuer, Robben iyo Ronaldo. Goolhaye Manuel Neuer, Arjen Robben iyo Cristiano Ronaldo ayaa ah saddex xiddig ee u tartami doona abaal marinta xiddiga ugu fiican qaaradda Yurub. Saddexdan ciyaaryahan ayaa waxa ay ka mid ahaayeen liiiska 10 ciyaaryahan oo lagu dhawaaqay bishii July, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Angel Di Maria, Diego Costa, Luis Suarez, Lionel Messi, Philipp Lahm, James Rodriguez iyo Thomas Muller. Laacibka haysata abaal marinta Ballon da’Or ee Ronaldo ayaa loo codeeyay inuu ka mid noqdo xiddigaha saddexda ah ee u tartamaya abaalmarinta xiddiga ugu fiican Yurub, sidoo kale waxaa ku jira garabka kooxda Bayern Munich Robben iyo goolhayaha kooxdaas Manuel Neuer, kuwaasoo kooxdooda xagaagii la soo dhaafay kula guulaystay koobabka Bundesliga iyo DFB-Pokal, iyadoo sidoo kale goolhaye Neuer uu xulkiisa Germany la soo qaaday Koobka Adduunka 2014.