Xisbiga Mucaradka ah Wadani Oo Xafiis Cusub ka Furtay Bariga Magaladda Burco

Xisbiga Mucaradka ah Wadani Oo Xafiis Cusub ka Furtay Bariga Magaladda Burco

WADANI BURAO

Burco ( Salaanmedia.com) Xisbiga Mucaradka ah Wadani ayaa Xafiis Cusub ka Furtay Gudaha magaladda burco gaar ahaana Bariga Magalada.
Waxaana Munaasibad Baladhan Oo Loo Sameyay Furitaanka Xafiiskani Cusub Joog ka ahaa Gudomiyaha Xisbiga Wadani buyremunikh Wadanka Jermany Maxamed Faarax Cabdi,Gudomiye ku Xigenka Xisbiga Wadani Ee Gobalka TogdheerC/Risaaq Axmed Cali,Xoghayaha Wadani Togdheer C/Salaan,Gudomiyaha Degmada Wadani Xasan Siciid,iyo Waliba Gudomiyaha Dhalinyarada Loo Furay Xafiiskaasi Cusub C/Qani Mahdi Jaamac
Ugu Horraynba Waxa Xafladasi Baladhan Ee Lagu Daahfurayay Xafiiskaasi Cusub ka Hadlay Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Wadani Ee Gobolka Togdheer Cabdirisaaq Axmed Cali Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan
” Waxaan uga mahad celinaya ALLihii iskugu keen keenay ee suuro galiyey in aynu Xafiiskan furno, Xafiiskan Oo run ahaantii isagu ah mid usoo kordhay Bariga Magalada Burco, Gaar ahaan dhalinyarada Maxamed Shixi-sixaaq ama (Reer Xarbi).Mida kale ee aan raacsanayo ayaa ah dhalinyaradan ay hurmuudka ka yihiin dhalinta jamacadaha ee Cidan kusaabsan ee tageersan Xisbiga Mucaaradka ah ee wadani,.intaasi markaan ka yimaado waxan mahad celin balaadhan u celinayaa gudoomiyaha xusbiga Wadani Ee Magalada Bayer Munij ee dalka Jarmalka Maxamed Faarax Cabdi, oo isaga iyo dhalinyarada gobolkani isku xidh ay sameyn kuyimid Waanan uga mahad celinaya mar labad iyo mar saddexaadba.ugu dambeyntii waxaan hadalkayga kaga baxayaa fariin aan u dirayo dadka kale ee qurba joogta ahi inay iyaguna sida Maxamed o kale dhalintooda isku xidh u sameeyan, Wa baahi Tawfiiq.” Ayuu Yidhi Gudomiye ku Xigenka Wadani Ee Gobalka Togdheer
Xoghayaha Xisbiga Wadani Ee Gobalka Togdheer Cabdisalaan Maxamed Aadan oo isaguna ka Hadlay Xafladaasi ayaa Amaan baladhan usoo jeediyay Gudomiyaha Wadani Ee Germany Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan
“Marka hore waxaan halkan wada u marinaya gudoomiyaha Xisbiga Wadani, Marka xigana waxaan salamaya guud ahaanba bahda xusbiga wadani, mar saddexaadkan bahdani Reer Maxamed Shixisixaaq ee gurigani loo furay.Waxaan amaan balaadhan usoo jeedinaya Dhamaan dhalinyaradan iyadu ku hawlan sidii ay horu mar isku gaadhsiin lahayeen iyo xusbigooda wadani ooiyagu mar kasta ku hawlan sidi ay iyagu u qaban lahayeen ujeedka kaga aadan Hawlaha u xisbigani leeyahay.Mida kale waxan u sheegaya dadka moodaya in Reerkani hada kuso biray xusbigan wadani, maha ee waa kuwii dhulka kasoo qaaday isagoo Urur siyaasadeed ah, Xusbina gaadhsiiyey, ilaa wakhitiha ila hadana ay ka go’antahay ka mid ahaansaha xusbigeenan wadani. kuwaasi oo waxna u qabanaya waxna ka qabsanaya haduu alle idmo. Runtii maha gurigani midkii koobaad eebariga magalada burco laga furo ee waa kii afraad e laga furo guud ahaan bariga magalada burco. waana mid lagu faano” Ayuu Yidhi Xoghayaha Xisbiga Wadani
Gudomiyaha Degmadda Burco Ee Xisbiga Wadani Xasan Siciid Cadhood Oo isaguna Halkaasi ka hadlay Waxa ka mid ahaa hadalidisii
” Run ahaantii waxan salamaya dadka halkani iskugu yimid ee leh dhalinyaro iyo wayeelba, kana tirsan beel ahaan Beeshan balaadhan ee Maxamed Shixisixaaq gaar ahaana Beesha reer Xarbi,.
Waxaan idinka mahad celinaynaa hadaanu nahay Maamulka xusbiga wadani ee gobolka togdheer sharafka aad na soo sharafteen nooguna soo marti qaadeen, sababkiisuna yahay xafiiskan cusub ee u gudoomiyaha magalada beyar munij ee dalka Jarmalka u ka hir galiyey xaafadani baarsigo. waxaan halkan ka cad in aad tihiin dad midaysan dal iyo gudob, waana mid aanidinka hambalyeynaayo isku xidhkani aad samayseen, iyo xusbinimada daacada ah.hadii aan inyar ka taabto beeshani maha mid hada uun noqotay xusbiga ee waa mid iyadu qayb weyn ka ah xusbiga lana odhan karo waa beelaha leh xusbigani ee sida gaarka ah ugu hawlan hawlaha guud ee xusbigani. intaas waxan raacinaya inu ilaahay u fudaydiyo walaalkeen maxamed inuu illahay u fudaydiyo hawlaha isku xidhka ee u kaga qayb qaadanayo daha guud ee xusbiga wadani waana uu ku mahadsanyahay” Ayuu Yidhi Xasan Siciid
Gaba-Gabadii Waxa Xafladaasi Soo Xidhay gudoomiyaha magalada bayer munij ee dalka jarmalka ee xusbiga wadani Maxamed Faarax Cabdi {Maxamed Digix} waxaanu yidhi
“Waxaan dhamaan salamaya tageerada xusbiga wadani dhamaantood anigaoo aan jeclayn in aan kaga guro dhamaantood kuna salamaya salaanta islaamka Asalama Calaykum wa raxma tulaahi wa barakaatu, marka xiga waxaan amaan balaadhan usoo jeedinaya dadkii igala shaqayayay xafiiskani cusub ee maanta aanu kahir galinay bariga magalada burco.intaasi kadib xafiiskani isagu waa mid iska kooban hawlihiisu, waxaan jeclaahay inaan wax balaadhan aan ka qaban doono xafiiskani habayntiisa iyo guud ahaan hawlaha u xusbiga wadani uu uga baahanyahay ee horumar ku saabsan intii karankay ah” Ayuu Yidhi Maxamed Faarax Digix
Si Kastaba ha ahatee Xafiiskani Xisbiga Mucaradka ah Ee Wadani ka Hirgaliyay Bariga Magaladda Burco ayaa isagu ka Mid ah Guulaha Uu Xisbiga Wadani ku Doonayo inuu Hanto Talada Wadanka.