Xukuumada Somaliland Ee Labada Beeloode Isku Hor Fadhiyay Beryanhba Baliga Diiriye Aw Guuleed U Soo Dirtay Inay Xaliyaan Wasiirka Ciyaaraha Iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Waxbaa Nooga Biniixay !!!!!!!!!!!!!!!Qalinkii Dayib Cabdi Xirsi

Xukuumada Somaliland Ee Labada Beeloode Isku Hor Fadhiyay Beryanhba Baliga Diiriye Aw Guuleed U Soo Dirtay Inay Xaliyaan Wasiirka Ciyaaraha Iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Waxbaa Nooga Biniixay !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Dayib

Wasiirka ciyaaraha somaliland mr. Cali Siciid raygal oo ka dhex muuqda ergada loo soo diray xalinta beelaha walaalaha ee dirirtu ku dhex martay agagaarka deegaanka togdheer kuwaasoo soo gaadhay magaalada burco, waxaa wax lala yaabo ah xukuumada wasiirka ciyaaraha Cali Siciid raygal usoo xilsaartay meel dhiig ku daatay oo mashaqo wayni taalo, Cali Siciid raygal oo lagu xusuusto inuu xalin kari waayay khilaafkii ciyaalkii sportiga ahaa ee gobolka togdheer. Isagoo burco ka tegay iyagoo is haysta kadibna hargaysa isula dhaadheceen, horaa loo yidhi (somalidu ninkay adhiga kala quusato ayay geela u diraan). Teeda kale Meeye wasiiradii shaqadan nabad gelyada u xilsaarnaa? Aniga ilama aha ninkii ciyaalka kala saari waayay qabiilooyin buu kala saarayaaye. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu labadaa beelood ee walaalaha beerkooda burcad isu mariyo. Wixii halkaa ku kala gaadhayna ay ku dhamaystaan si ay ku dheehan tahay walaaltinimo iyo wada dhalasho

RAYGAL CIYA

Qore Afhayeenka Dalinyarada Togdheer Mr Dayib Cabdi Xirsi