Xukuumadda Ayaa Ku hawlan Dib-u-dhac Ku Yimaada In Doorashooyinku Wakhtigooda Qabsoomaan…”Xildhibaan Cabdiqaadir Jbriil Tukaale

Xukuumadda Ayaa Ku hawlan Dib-u-dhac Ku Yimaada In Doorashooyinku Wakhtigooda Qabsoomaan…”Xildhibaan Cabdiqaadir Jbriil Tukaale

TUKAALE

Hargeysa, (Salaanmedia.coml)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukale oo ka tirsan Golaha Wakiilada SOMALILAND, ayaa ku dhaliilay xukuumadda Somaliland inay ku hawlan tahay dib-u-dhac ku yimaada qabsoomida doorashooyinka, isla markaana waxa uu jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeedhay Xildhibaan Cali Mareexaan oo ku eeddeeyay xisbiyada mucaaridka ah inay wadaan qorshe ay doorashada dib ugu dhigayaan. Sidaana waxa uu xildhibaanku ku sheegay WAR-saxaafadeed uu xalay soo saaray oo nuqul ka mid ah soo gaadhay xarunta Wargeyska Ogaal ee magaalada Hargeysa, waxaanu u dhignaa sidan:- “ Waxaan leeyahay Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Marreexaan), xisbiyada Mucaaridka ahi waxay ku qaylinayaan wax u muuqda oo ah, xukuumadda oo ka gaabinaysa, kana caga jiidaysa inay diyaariso oo ay dhammaystirto hawlihii loogu diyaar garoobi lahaa inay doorashooyinku xilligoodii qabsoomaan, isla markaasna xisbiyada mucaaridka iyo dadweynaha reer Somaliland-ba waxay sugayaan oo ay u diyaar yihiin in doorashooyin xor iyo xalaal ahi ka qabsoomaan oo isbedel dhab ahna la helo, haddey tahay doorashada madaxtooyada ama doorashada baarlamaanka iyo guurtidaba, isla markaasna doorashooyinkaas lagu kala calaf qaado. Sida la wada ogsoon yahay, qabsoomidda doorashooyinku waa Masuuliyad Dastuuri ah oo ay leedahay Xukuumaddu, iyadaana looga fadhiyaa inay dhamaystirto oo diyaariso dhaqaalihii, hawlihii iyo agabkii looga baahnaa qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay ugu horreyso diiwaan gelin rasmi ah oo dalka oo dhan laga qabto,”sidaa ayuu ku sheegay xildhibaanku war-saxaafadeedkiisa. Waxa xildhibaanku sheegay in xukuumadda Madaxweyna Siilaanyo ku fashilantay hoggaaminta dalka wuxuu yidhi, “Haddaba, hadalada ka soo yeedhaya Xildhibaan Cali (Mareexan), ee uu ku cambaaraynayo Xisbiyada Mucaaradka ah waa hadalo uu is leeyahay uun Xukuumaddan hoggaamintii dalka ku fashilantay dhaliilaheeda ku qari oo indhaha dadweynaha dhinacyo kale ku jeedi, taasina waa MID aan suurtoobayn oo dadka reer Somaliland waa ay ogsoon yihiin xaaladda dalka iyo halka ay marayso. Soomaalidaa hore uga maahmaahday oo tidhi “Hal diidaysaa geed ay ku xoqoto ma waydo” iyo “Hasha geela cunta ee cabaada” oo looga jeedo: Nin hawshii u taalay qabashadeeda ka meermeeray iyo Ninka hawlihiisii qabyoobeen ee qabyadiisa ku eeddeeynayaa cid kale. Taas waxaa u daliil ah qabashada doorashooyinku inta badan waxa masuuliyadeeda gacanta ku haysa oo leh waa xukuumadda, oo xukuumadda ayaa dhaqaalihii doorashooyinka lagu qaban lahaa gacanta ku haysa oo laga rabaa oo xukuumadda ayaa laga rabaa inay u diyaariso wax KASTA oo ay u baahan yihiin Guddiga Doorashooyinku si ay u qaban qaabiyaan doorashooyinkii. Isla markaasna haddii doorashooyin la yidhaahdo waa diyaar ma xisbi mucaarid ah baa odhan kara mayee dib ha la noogu dhigo, ma macquul baa taasi? Waa maya xaga asxaabta mucaaridka ahna hawlaha doorashooyinku waa ka madax BANANA yihiin oo wax badani gacanta uguma jiraan oo aan ka ahayn in Guddiga Doorashooyinku kala tashadaan nidaamka hawlaha loo fulinayo oo ah inay asxaabtu kuwada raali noqdaan oo ku qancaan qaabka hawshu u soconayso. Laakiin xukuumaddu inay ku dadaalayso dibu dhigista waxa u daliil cad ah qodobadan: Xeerkii diwaangelinta oo lix bilood xukuumadu ku dheggantahay oo ka sooba bixi waayey Dhaqaalaha lagu qabanayo doorashooyinka oo ah qaadhaan ay 75%kiiba bixiyaan hay’adaha caalamiga ahi 25% kaliya oo ay bixiso Xukuumadda Somaliland ayaanay bixinin illaa iyo imika. Guddiga Doorashooyinka oo muddo xileedkoodii ku egyahay dhamaad bisha Oktoobar, isla markaasna Hay’addaha inaga Caawiya Doorashooyinku ay talooyin ka soo jeediyeen in ama muddada loo kordhiyo ama la badalo oo Guddi Cusub la soo magacaabo illaa hadda xukuumadu waxba go’aan kama soo saarin. Diiwaan gelinta madaniga ah ee Arrimaha Gudaha ayey Xukuumadu dabada kariixaysaa oo ay isku mashquulinaysaa, halka diiwaangelintii COD bixiyeyaasha oo ah kii ay doorashooyin xor iyo xalaal ah oo dalka inooga qabsoomaa ay ku xidhnaayeen, aanay danba ka lahayn. Dhinac arrimaha nabadgelyada oo ay xukuumaddu ku wado khalkhal gelin oo markasta ay ka abuurayso gudaha dalka iyo dalalka deriskeena ahba, si ay ugu suurtogasho dib u dhigis ku timaadda doorashooinka. Guddoomiye Xisbiga waddani isla markaasna ah guddoomiyaha golaha wakiilada Mudane C/raxmaan M. C/lahi CIRRO, waxaa cidkastaaba ogsoontahay, inaanu xilka guddoomiyenimo oo golaha aanu wax dan ah ka lahayn, isla markaasna haba yaraatee aanay jirin wax lug ah ku leeyahay dibu dhigis lagu sameeyo doorashoyinka ama baarlamaan ha ahaato ama doorashada Madaxtoyada mana jirto shirar uu kala yeeshay xildhibaanada mucaaridka ah in dib loo dhigo doorashada baarlamaanka. Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cirro waa musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Wadani wuxuuna aad u rajaynaa inuu ku guulaysto hoggaaminta dalka dibu dhigista oo ku timaadda doorashooyinku wuxuu aaminsan yahay in uu waqti kaga lumayo. Sidaa awgeedna, waa ka been abuurasho cad iyo masabidaad ay ku marmarsiyoonayso xukuumadda iyo xildhibaanada xisbul xaakimku. Ugu danbeyntii, waxaan dadweynaha u sheegayaa, dibu dhac kasta oo ku yimaada Qabsoomidda Doorashooyinka inay ay tahay wax ay Xukuumaddu keentay. Xildhibaanada Mucaaridka ahina waxay diyaar u yihiin in doorashooyin xor iyo xalaal ahi wakhtigooda ay qabsoomaan.”