Laba Xubnood Oo La Sheegay Inuu Gudoomiyaha Guurtidu U Gudbiyey Madaxweyne Siilaanyo Si Ay Uga Mid Noqdaan Guddida Doorashooyinka Ee Cusub.

Laba Xubnood Oo La Sheegay Inuu Gudoomiyaha Guurtidu U Gudbiyey Madaxweyne Siilaanyo Si Ay Uga Mid Noqdaan Guddida Doorashooyinka Ee Cusub.

sssss

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland ayaa la sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey labada xubnood ee golahaasi u soo xulay inay ka mid noqdaan guddida doorashooyinka somaliland.
Sida ay wararku sheegayaan labada xubnood ee gudoomiyaha golaha guurtidu u gudbiyey madaxweyne Siilaanyo ayaa kala ah Eng: Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Siciid Cali Muuse oo mudooyinkii ugu danbeeyey ka hawl galayey wasaarada arimaha debada somaliland.
Labadan xubnood ayuu gudoomiyaha golaha guurtidu u gudbiyey madaxweynaha isla markaana waxa uu badalaad ku sameeyey labadii hore uga tirsanaan jiray guddida doorashooyinka qaranka, kuwaas oo gudoomiye Saleebaan mar kale u gudbiyey madaxweyne Siilaanyo si ay uga mid noqdaan guddida cusub ee doorashooyinka balse madaxweyne Siilaanyo dib ugu soo celiyey