ABWAAN SICIID ILKA JIIR OO WEERAR KALA KULMAY XUBNO AY MADAXWEYNE SIILAANYO ISKU HAYB YIHIIN OO QOONSADAY QAABKII UU UGA HADLAY RABSHADIHII KA DHACAY GEBILAY IYO DILKII SARAAKIISHA.

ABWAAN SICIID ILKA JIIR OO WEERAR KALA KULMAY XUBNO AY MADAXWEYNE SIILAANYO ISKU HAYB YIHIIN OO QOONSADAY QAABKII UU UGA HADLAY RABSHADIHII KA DHACAY GEBILAY IYO DILKII SARAAKIISHA.

ilko jiid

London(Salaanmedia.com):-Abwaan Siciid Ilka Jiir oo ka mid ah abwaanada reer somaliland ee ku dhaqan wamada Qurbaha gaar ahaana magaalada London ayaa lagu soo qaaday weerar ka yimid xubno loo malaynayo inay xukuumada somaliland ku abaabushay.
Abwaan Siciid Ilka Jiir oo la soo xidhiidhay warbaahinta Qaar ka Mid ah ayaa u xaqiijiyey weerarka lagu soo qaaday, waxaanu sheegay inay soo weerareen afar nin oo aanu garanayn isla markaana ay gaadhsiiyeen dhaawacyo fudud.
Abwaan Siciid Ilka Jiir waxa uu sheegay inuu la xidhiidhay Police-ka magaalada London isla markaana ku war geliyey weerarka lagu soo qaaday, waxaanu tilmaamay inuu weerarkani kaga yimid xubno ay madaxweyne Siilaanyo isku beel yihiin kuwaas oo qoonsaday qaabkii uu uga hadlay rabshadihii ka dhacay magaalada Gebilay

iyo dilkii loo gaystay saraakiishii ka tirsanaa ciidanka Qaranka Somaliland.
Weerarkan lagu soo qaaday Abwaan Siciid Ilka Jiir ayaa salka ku haya qaabkii uu uga hadlay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada Gebilay iyo dilkii loo gaystay saraakiishii ka tirsanaa ciidanka qaranka ee lagu toogtay degmada Qori Lugud, waxaanu wakhtigaas xukuumada tunka u saaray rabshadihii ka dhacay magaalada Gebilay.
Maaha markii ugu horaysay ee Abwaan Ilka lagu soo qaado weerar noocan ah balse waxa hore u jiray inuu weerar ka yimid xubno iskugu jira Abwaano iyo dad kale oo ay isku beel yihiin madaxweynaha, kuwaas oo ka gadooday qaabkii suugaan uu ku dhaliilay madaxweyne Siilaanyo isaga oo si adag ugu canbaareeyey ku shubashadii xukuumada ee doorashooyinkii golaha deegaanka ee dalka ka dhacay sanadkii 2012.

Goor Dhaw Filo Waraysi Aad u Xiiso Badan Oo Aanu Abwaan Ilka Jiir Kala Yeelanay Weerarka Lagu Soo Qaaday