Afhayeenka Madaxtooyadda Oo Ku Baaqay In Maamuuska laga Xayuubiyo Xill.Siciid Cilmi Rooble

Afhayeenka Madaxtooyadda Oo Ku Baaqay In Maamuuska laga Xayuubiyo Xill.Siciid Cilmi Rooble

dhuxul

Hargaysa (Salaanmedia.com): – Af-hayeenka madax tooyada Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa ugu baaqay Golaha Wakiiladda inay maamuuska xayuubin ku sameeyaan labadda xildhibaan ee Siciid Cilmi Rooble iyo Bashiir Tukaale, oo labaduba ka tirsan aqalkaasi, waxaanu sheegay in labadaasi xildhibaan ay Xalad ka galeen qaranka iyo Golaha ay ka tirsan yihiin, sidaas darteedna ay mudan yihiin in xilka laga xayuubiyo
Af-hayeenka madaxtooyadda ayaa si gaar ah uga hadlay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, oo uu ku tilmaamay xildhibaan doolaallo kula jooga xisbiga aanu ka tirsanayn ee WADDANI, kaasi oo uu sheegay inuu ku kacay waxyaabo meel ka dhac ku ah qaran-nimadda iyo golaha uu
ka tirsan yahay.
Axmed Saleebaan Dhuxul waxa kale oo uu sheegay in xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, uu ku kacay waxyaabo ay ka mid tahay kicin uu ku khal-khal gelinayo bulshadda oo ka dhan ah ammaanka, isla markaana uu dadka ku abaabulay inay hub qaataan oo ay dagaal la galaan xukuumadda. Waxaanu intaasu ku daray af-hayeenku in xildhibaan Siciid Cilmi Rooble looga baahan yahay in uu cadaynteeda keeno waxyaabaha uu ku hadlay ee ay ka mid ahaayeen in gaadhi uu ku baxsaday la siiyay ninkii 17-kii bishan labadda sarkaal ku dilay tuuladda Qorilugud ee gobolka Togdheer.

Af-hayeenku isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrin ay ku kaceen labadda xildhibaan ee Siciid Cilmi Rooble iyo Bashiir Tukaale oo ka tirsan Golaha Wakiiladda, waxay ku dhawaaqeen oo iclaamiyeen waxyaabo dalka khal-khal gelinaya iyo kicin ay bulshadda ku abaabulayeen dagaal, xildhibaan Siciid Cilmi Roobe isaga oo golihii sharci dejinta ah ayuu dadka shacabka ah ku dhiirigeliyay inay hub soo qaataan oo ay xukuumadda dagaal la galaan. Waxaan ugu baaqayaa Golaha Wakiiladda inay tallaabo ka qaadan, oo ay maamuuska ka xayuubiyaan xildhibaankaasi oo ku kacay arrin ceeb ku ah qaranka iyo golaha wakiiladdaba.”
Af-hayeenka Madaxtooyaddu waxa uu intaas ku daray “Sidoo kale Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa kale oo uu sheegay in ninkii 17-kii bishan magaaladda Qori-lugud ku dilay labadda sarkaal in la siiyay gaadhi uu ku baxsaday, isla markaana xildhibaan Siciid laga doonayo arrintaasi cadaynteedda inuu keeno. “

“Xukuumaddu way ka xun tahay dhacdadaasi lagu dilay labadda sarkaal, hore ayaanay u tacsiyadaysay, madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isla habeenkiiba tacsi ayuu u diray eheladii iyo qaraabadii uu marxuumka mudaharaadkii Gabiley ka dhasay, madaxweynuhuna wuu la kulmay waalidkii marxuumka dhalay dhalay, masuuliyiin xukuumadda ka tirsanina way u tageen, oo waa loo diray. Ugu danbayntii waxaan mar labaad ugu baaqayaa golaha wakiiladda in nimankaasi waxa ay ku dhawaaqeen ay cadaynteeda keenaan, imika xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu gaadhay wakhtigii uu kolba dhinac eegi jiray, waxaanan ku boorinayaa golaha wakiiladda inay maamuuska ka xayuubiyaan xildhibaankaas,”ayuu yidhi Afhayeenka