Asxaabta Mucaaradka Oo Shaaciyay Kulamo Ay Xukuumada Kala Yesheen Xeerka Diwaan Galinta Iyo Xeerka Codaynta Oo Khilaaf Adaga U Dhaxeeyo

Asxaabta Mucaaradka Oo Shaaciyay Kulamo Ay Xukuumada Kala Yesheen Xeerka Diwaan Galinta Iyo Xeerka Codaynta Oo Khilaaf Adaga U Dhaxeeyo

wagas

Hargaysa(Salaanmedia.com)Ku Simaha Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) iyo Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Wadani oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa,ayaa waxa ay ka warbixiyeen Kulamo u socday Xukuumada iyo asxaabta Mucaaradka. Waxa ay Shegeen In ay xukuumada Soo dirsatay Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Madaxtooyada isla markaas asxaabta Mucaaradka kala doodi doonaan Diwaan galinta Madaniga oo ay Hore u qaadaceen

Ku Simaha Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) ayaa ka warbixiyay kulamo albaabadu u xidh-nayeen oo xukuumada ay la yesheen Waxaana uu yidhi” “Halkan Waxaanu Doonaynaa Inaanu ku Cadayno,Waxa maalmihii udanbeeyey Doodi ka taagnayd Xeer

Diwaan Galinta Iyo Ka Madaniga ah,Kaas oo Maalmihii Udanbeeyey Khilaaf Hor Leh ka Dhex Abuuray Golahii Baarlamaanka,Waxaanu Maanta Halkan U nimid inaanu cadayno kulamo ay Asxaabta mucaaradka Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo ka Madaxtooyada yesheen kana wada hadleen Xeerka Diwaan Galinta Oo Ay qaadaceen Asxaabta Mucaaradku.
Ku Simaha Xog-Hayaha Guud Ee Xisbiga Ucid Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) Waxa kale oo uu Sheegay in Ay Doonayaan In Isfahan Buuxa laga gaadho Labada Xeer Ee Madaniga ah iyo diwaan galinta,waxaana uu sheegay inuu wada hadal U socdeen Xukuumada ,Kaas oo sheegay in ay Bari kulmi Doonaan Asxaabta Mucaaradka iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadu”
‘’ila hada waxa xal ah am Isfahan Guud oo aanu gaadhay majiro,Wada hadaladuna way noo Socdaan,Waxaanan Jecel Nahay inta ay wada hadaladu noo socdaan inaan laga hor dhicin,Waxaanan Ku Rajo waynahay inaanu is fahan Buuxa ka gaadhno.
Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax) oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi”Waxaanan Leeyahay Fadhiga aanu Baritoole yeelanayno waxa nagala soo qayb galin doona Xisbiga Kulmiye oo Fadhigii hore naga maqnaa iyo laba wasiir oo xukuumada ka tirsan iyo Labada Xisbi mucaaradka.
“Runtii fadhigii hore waxa kasoo baxay In asxaabta mucaaradka oo dhami ay isku imaadaa,Markaas Waxaanu Doonaynaa Saddexda Xisbi iyo labaad wasiir iyo laba Loyar oo Iyana Nalaga Shaqayn Dooni wixii Xeerar ah in ay nagu weheliyaan,Wixi kulan kaas kasoo baxana Dib ayaanu kasoo sheegi Doonaa.

Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Wadani Cabdilaahi Maxamed Uur Cade oo isna shirkaas Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay In Xukuumada iyo Asxaabta Mucaaradka ilaa hada Go’aamo Midaysan aanay ka gaadhi Khilaafka Xeerka Diwaan galinta iyo ka cod bixiyayaasha,waxaana uu sheegay In ay xukuumadana si u arkayso Asxaabta Mucaaradka Diidan yihiin Qodon ku jira waxaana uu sheegay’
Waxaan doonayaa inaan Bayaamiyo Shirkan Jaraa’id waxaanu u qabanay Inaanu cadayno xeerka diwaan galinta ee hor yaala golaha wakiilada oo baryahan Danbe buuq Badani hadheeyey,Runtii Xukuumada iyo xisbiyada mucaaradka arinta doorashada iyo diwaan galinta mudo dheer ayay kasoo wada shaqeeyeen,Khilaafka Jirana waxa weeyaan Xeerkaas Qodob ku jira oo xukuumaduna si u aragto asxaabta mucaaradkuna si u arkaan. “Markaas Maalin dhawayd ayaanu asxaabta mucaaradka iyo xukuumada shir wada yesheen waxaana isla soo meel dhignay in xal laga gaadho Si aanay doorashu Car-qalada inooga galin Waxa laysku khilaasan yahayna Xil Midaysan looga gaadho. Sidoo kale Xoghayaha Xisbiga Wadani ayaa ku adkaystay inaanay ka noqon Qaadacaadii ay qaadaceen Diwaan galinta Madaniga ah,Waxaana uu sheegay In ay wali Arinkaas Xukuumada ka wada hadlayaan Kulamana u socdaan. Si kastaba ha ahaatee Asxaabta mucaaradka ayaa hore u qaadacay Diwaan galinta Madaniga ah kusaa oo ku tilmaamay mid lagu car-qaladaynayo Doorashada,Balse Xukuumada ayaa arinkaasi iska fogaysay,Waxaana laga dhul sugi Doonaa Shirarkaas u socda Halka ay ku biyo shubtaan iyo In ay asxaabta Mucaaradka kasoo Tanaasulaan Qaadacaadii Diwaan galinta iyo in ay ku adkaystaan.