Beelaha Kale Waxay Tuhmayaan In Beesha Dhexe Qaadatay Maamulkii Dalka Oo Dhan, Beesha Dhexena Waxay Tuhmaysaa In Beel Keli Ahi Qaadatay”

Beelaha Kale Waxay Tuhmayaan In Beesha Dhexe Qaadatay Maamulkii Dalka Oo Dhan, Beesha Dhexena Waxay Tuhmaysaa In Beel Keli Ahi Qaadatay”

MADASHA

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Madasha wadatashiga iyo toosinta QarankaSomaliland ayaa Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku eedaysay in aanay daacad ka ahayn in dalka ay ka dhacdo Doorasho Madaxtooyo iyo mid Baarlamaan toona, waxayna tilmaameen in hore Xukuumadu ugu fashilantay doorashadii gollaha deegaan, waxaanay sidaa ku sheegeen shir jaraa’id oo shalay wadajir u qabteen xubnaha madashu.
Guddoomiyaha Madasha Waddatashiga iyo toosinta Qaranka Xassan Guure oo ugu horayn ka hadlay Shirkaasi jaraa’id, ayaa waxa uu Xukuumada ku eeddeeyay in ilaa wakhtigan si cad aanay uga jawaabin Cabashadii odayaasha reer Boorama ay madaxweynaha Soo gaadhsiiyeen, waxaanuu tilmaamay in Gudidii madaxweynuhu u xilsaaray arrintaasi aanay weli shir kali ah ka yeelan arrintii loo xilsaaray. Isagoo arrimahaa ka hadlayana wuxuu yidhi, “Berri dhawayd waxa Hargeysa Yimi Odayaasha reer Awdal, arrimo iyo tabasho ayay u yimaadeen, madaxweynaha Somaliland way is arkeen, madaxweynuhu umu jawaabin ee guddi ayuu u saaray, Guddidii Madaxweynuhu u saaray illaa maalintii illaa maanta may fadhiisan, dadkiina markii ay daaleen way iska noqdeen, waxaynu ognahay dagaalka muddo dheer ka socday barriga, wax dagaal lagu xalin karaana ma jiro, haddii iyada oo taasina jirto tana raacdo waxay noqonaysaa burburkii Somaliland. Maxamed Siyaad Barre isma lahayn dagaalka Burco iyo Hargeysa ka dhacay ayaa Xamar kugu iman doona, haddii aynaan dabkaasi bakhtiin waynu ku guban doonaa, nabad ayaynu u baahanahay iyo in la wadda hadlo oo Somaliland dib iskugu timaado. Beelaha kale waxay tuhmayaa in beesha dhexe dhamaan maamulkii dalka ay wada qaadatay, beesha dhexena waxay tuhmaysaa in beel keli ahi qaadatay. Markaa intii aynu is tuhmi lahayn waa in aynu isku nimaadno oo aynu eegno halka wixii la wada lahaa la geeyay”.
Xasan Ciise Jaamac ayaa isna sheegay inuu ka werwersan yahay, in Xukuumadda Siilaanyo dalka ka hir galin doonto doorasho la mid ah tii 2012-ka oo kale, taasi oo kala diri karta wada jirka Somaliland, Waxa uu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in xukuumaddu mudo korodhsi waddo. “Waxay in badan ku celceliyeen doorashooyinku inaanay maalin dhaafayn wakhtigoodii oo ay qabanayaan, Muuminow run sheeg, Muuminowna run uga qaado baa la yidhi, laakiin Muuminka looga qaadanayo runtu waa ka qawlkiisa iyo ficilkiisu isku Makhraati furayaan, Xukumaddan hadalkaasi ku celcelinaysa ee tidhi maalin nala dhaafi mayso waxa aan looga qaadanayni waxay tahay doorashadii ugu dambeysay ee Golaha deegaanka ee ay qabteen wadankan way kala dirtay, haddii ay doorasho kale oo noocaas ah inoo qabtaana Somaliland ba ma jirayso”ayuu yidhi Xassan Ciise.
Waxa uu Xisbiyada Mucaaradka ah Xasan Ciise u soo jeediyay inay ku dadaalaan sidii doorasho lagu kalsoon yahay dalka ugu dhici lahayd “Anigu waxaan odhan lahaa Xisbiyada Mucaaradka ah waar intaad ka werwersan tihiin doorasho inaanay dhici doonin, haa oo werwer way leedahay laakiin waxa kale oo aad culayska saartaan doorashadu haddii ay dhacdaba, sidii la iskaga ilaalin lahaa boobkan caddaanka ah ee aan Xishoonayn ee Umaddu soo martay, waa in qorshe laga yeeshaa waayo, Haddii doorashadii u dambeysay oo kale dhacdo waa aan Isdilo”ayuu yidhi.