BEESHA CAALAMKA OO TAAGEERTAY DAGAALKA AY CIIDAMADA SOMALIYA KULA JIRAAN KOOXDA AL SHABAAB.

BEESHA CAALAMKA OO TAAGEERTAY DAGAALKA AY CIIDAMADA SOMALIYA KULA JIRAAN KOOXDA AL SHABAAB.

AMSION3

(Salaanmedia.com)-Wakiilada ufadhiya Marykanka, Midawga Yurub iyo Safiirka Ingiriiska ayaa ku taageeray Dawlada Somaliya iyo ciidamada Amisom ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaadheen dagaalada ay kula jiraan uruka Al Shabaab.

Mr James P. McAnulty, Michele Cervone d’Urso iyo Neil Wigan oo si wada jira xafiiskooda uga soo saaray war-saxaafadeed ayaa waxay ku sheegeen iny si weyn ula dhacsan yihiin howlaha ka socda Soomaaliya gaar ahaan hormarka laga gaadhay dagaalada lagula jira Al-shabaab-ka Soomaaliya,waxayna tilmaameen inay garab taagan yihiin Ciidamada huwanta ee Dowlada iyo AMISOM.

“ ka saarida Al-shabaab magaalooyinka Jalalaqsi, Bulo Mareer, iyo Kurtunwaray waxay muujineysa inay sii wiiqmeyso awooda kooxaha argagixsada,Laakiin Al-shabaab waxay inkirayaan dharbaaxooyinka ku socda iyagoona taa badalkeeda bilabaya weeraro aargoosi ah,” ayaa lagu yidhi War-saxaafadeedka ka
soo baxay Wakiiladaan Soomaaliya beesha caalamka u fadhiya.

Ugu danbeyntii,waxay balan qaadeen in Dowlada Federaalka Soomaaliya mar waliba la garab taagan yihiin inay ka taageeraan ku hogaaminta dalka Xasilooni iyo Nabad waarta.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo kaashanaya AMISOM,ayaa waxay wadaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab,kuwaasi oo deegaano iyo degmooyin Al-shabaab horay ugu sugnaayeen looga saaray.
Al-shabaab oo dhankooda howlgalkaan ku socda ka hadlay ayaa wacad ku maray inaysan wiiqi doonin sii waditaanka weeraradooda culeyska saran.