Caafimaadka Madaxweynaha Waa In Lanoo Baadhaa Doorashada Kahor Marhadii Khalkhal Kagalay Dhalashadiisii”…Xoghayaha Arimaha Gudaha xisbiga Ucid.

Caafimaadka Madaxweynaha Waa In Lanoo Baadhaa Doorashada Kahor Marhadii Khalkhal Kagalay Dhalashadiisii”…Xoghayaha Arimaha Gudaha xisbiga Ucid.

222yyy

Hargaysa(Salaanmedia.com) xoghayaha arimaha gudaha ee xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Abdiqani Ibrahim Salaf (Kaptanka) ayaa ka dhawaajiyay in madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la baadho caafimaadkiisa maadaama ayuu yidhi uu qalday kaadhka dhalashadiisa,waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu soo gaadhsiiyay xafiiska warbaahinta Mid ka Mid Ah waxaanu qoraalkaasi oo dhamaystirani udhignaa sidan:-
waxaanu codsanaynaa hadaanu nahay xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID,In lanoo Baadho Xaalada Caafimaad ee Madaxweynaha Kahor intaan Doorasho Lagalin Sababta oo ah Waxaanu Shaki kujirin in Madaxweynuhu aanu ahayn Caafimaadkiisu Sidii uu doorashadii udanbaysay ku Galay. Madaxweynaha qaranka Maxa Ku kalifaaya inuu dalkiisa Khiyaameeyo oo Laba ID
oo is Khilaafsan uu qaato kuna kaladuwan Goobta Dhalashada Iyo Da’diisa Oo mar Sheegtay 1936 marna Shhegtay 1942 Ma Madaxweynaha garan waayay Dhalashadiisa iyo Goobtii uu Kudhashay ayaa Daldhan Maamuli kara,Waxani Maaha Wax Dhibyar Maamuus ka xayuubin ayuu ku kasbankara Madaxweynuhu.
Shabakada Hadhwanaagnews.com ee Soo bandhigtay Labadan ID ee Madaxweynuhu kala Qaatay mudo kayar 5-sano waxay muujiyeen inay yihiin warbaahin dhamaystiran oo leh kayd dhamaystiran markii loo baahdana laga helo karo, waan ugu mahadnaqayaa shaqada ay qaranka u hayaan.
Arintani waxay u quus goynaysaa madaxda Somaliland qaarkood oo intay
wax walba iskaga hadlaan hadhawna dafira nin waliba waxii uu yidhaahdo waala haynayaa,Hadaba waxaad noqon Runsheege ama Beenaale Xusuus
Mudan labadaa mid.

Allaa Mahadleh
Xoghayaha Arimaha Gudaha xisbiga Ucid
Abdiqani Ibrahim Salaf Kaptanka