Ciyaar Xiiso Badan Ka Dib Arsenal Iyo Man City Oo Dhibcaha Ku Kala Qeybsaday Emirates.

Ciyaar Xiiso Badan Ka Dib Arsenal Iyo Man City Oo Dhibcaha Ku Kala Qeybsaday Emirates.

MAN CITY

Arsenal ayaa barbaraheedii labaad ee isku xigta gashay halka Manchester City ay awoodi weysay inay ka soo kabsato guuldaradii ugu danbeysay ee ka soo gaartay Stoke City ka dib markii labada kooxood ay barbaro 2-2 ah ku kala baxeen ciyaartii ku dhexmartay garoonka Emirates Stadium.
Ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan ayaa ku bilaabatay si dardar leh, iyadoo Arsenal ay u aheyd bilow fiican gaar ahaan saxiixooda cuusb Danny Welbeck kaasoo kubad gool loo fishay oo uu ka dulqaaday Joe Hart ay soo beenisay birta.

Aarsinal Ac Milan

Laakiin City ayay aheyd kooxdii hogaanka qabatay qeybtii hore ee ciyaarta markii Sergio Aguero uu shabaqa ku taabtay kubad baas ah uu ka helay Jesus Navas. Waxa uu ahaa goolkii sagaal ee uu dhaliyo 11kii kulan ee ugu danbeysay ee uu marti ahaa Premier League.
Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay gool iyo waxba oo ay hogaanka ku heysay kooxda Manchester City. Bilowgii qeybta labaad Arsenal ayaa si dardar leh ku soo gashay, waxaana ay heleen abaalmarintooda ka dib markii Wilshere uu kubad qurux badan ugu barbareeyay ka dib isku dhiib dhiib ay sameeyeen ciyaartoyda Gunners.

Aarsinal Man City

Wax yar ka dibna Arsenal ayaa hogaanka la wareegtay markii kubad baas madax ah oo ka timid Wilshere uu shabaqa cusjiyay Alexis Sanchez oo si wacan ku bilowday waayihiisa Arsenal. Arsenal ayaa waxaa soo gashay kalsooni badan laakiin kalsoonidaas ma aysan waarin markii Demichelis uu ciyaarta u barbareeyayMan City isagoo madax ku dhaliyay kubad kooner aheyd.
Man City ayaana sigtay labo jeer kale goolka Arsenal mar Kolarov ayaa kubada ay birta ka soo beenisay, marka labaad waxaa kubad ay birta kaga dhacday Edin Dzeko.
Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay barbaro 2-2 ah oo ay ku kala baxeen labada kooxood