Daawo: Boqolaal Kun Ka Qayb Galay Mudaharaad In Catalonia Spain Ka Madax Banaanto Lagu Dalbanayo Oo Ka Dhacay Magaalada Barcelona

Daawo: Boqolaal Kun Ka Qayb Galay Mudaharaad In Catalonia Spain Ka Madax Banaanto Lagu Dalbanayo Oo Ka Dhacay Magaalada Barcelona
Barcelona, (Salaanmedia.com/Agencies):- Boqolaal kun oo qof oo ka mid ah dadka reer Catalonia ayaa magaalada ugu wayn degaankaas, ee Barcelona ka sameeyay Mudaharaad ay ku dalbanayaan Madax banaani buuxda oo ay kaga baxaan dalka Spain, waxaana isu soo baxani ku soo beegmay xuska 300-guurada ka soo wareegtay markii Spain xooga ku qabsatay gobolkaas.

Dadka reer Catalonia ayaa xukuumada Spain ka dalbanaya in afti laga qaado bisha November si loo soo afjaro, waxa ay ugu yeedheen haysashada Spain, sida la rumaysan yahay Catalonia ayaa u muuqata dalka labaad ee madax banaanidiisa sanadkan galaya marka Scotland dhawaan ka baxda midowga UK