Dhoola Tus Millatari Oo Ciidanka Putland Ka Sameyeen Xuduudka Ay Wadagaan,Maamulka Gal Mudug

Dhoola Tus Millatari Oo Ciidanka Putland Ka Sameyeen Xuduudka Ay Wadagaan,Maamulka Gal Mudug

wadani

Galkayo(Salanmedia.com)Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu waqooyiga magaaladaas soo dhoobay ciidammo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka, kuwaasoo deegaannada ku yaalla waqooyiga magaalada ka sameystay fariisimo. Suxufiyiinta ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in goobaha ay ciidamadan soo gaadheen ay ka billaabeen howlgallo lagu sheegay inay ku sugayaan ammaanka. Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidamadan loogu sheegayo kuwo looga hortagayo weerarro maamulkaas kaga yimaada dhinaca maamulk ay dariska yihiin ee Galmudug, kaddib markii Puntland ay dhawaan xidhay garoon uu ka dhistay Gaalkacyo maamulka Galmudug. Maalmahan waxaa soo if-baxayay khilaaf xooggan oo u dhexeeyay Puntland iyo Galmudug, iyadoo Puntland ay ku eedeysay maamulka Galmudug inuu hub kala

soo dago garoonka ay ka sameysteen duleedka Gaalkacyo. Inkastoo maamulka Galmudug uu iska fogeeyay eedeytaas, ayaa haddana waaxay sheegeen inay jawaab ka bixinayaan go’aanka ay Puntland ku xirtay groonka diyaaradaha maamulka Galmudug, iyadoo aan jawaabta la ogeyn. Saraakiisha ciidamada Puntland ayaan weli ka hadlin ciidanka faraha badan ee ay soo dhoobeen Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, sidoo kaelna weli kama aysan hadlin arrintan maamulka ay dariska yihiin ee Galmudug. Puntland oo ka carootay shir lagu dhisayo maamul ay yeeshaan Mudug iyo Galguduud ayaa xiriirka u jartay dowladda dhexe ee Somalia, kaddib markii ay mas’uuliyiinta maamulkan ku andacoodeen in la doonayo in deegaanno ka tirsan Mudug oo ay iyagu ka taliyaan lagu daro maamulka la dhisayo