Diiwaan Gelinta:Wada Xaajoodka Xisbiyada Mucaaradka Iyo Wasiiro Xukuumadda Ka Tirsan

Diiwaan Gelinta:Wada Xaajoodka Xisbiyada Mucaaradka Iyo Wasiiro Xukuumadda Ka Tirsan

news22

Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI iyo xubno xukuumadda ka tirsan ayaa la filayaa inay maanta kulan yeeshaan, isla markaana ay ka wada hadlaan furdaaminta muranka iyo ismaandhaafka ka oogan labada diiwaan gelineed ee maamulku isku milay.
Siday tibaaxeen xogo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw dhaw mooshinkan lagu muransan yahay, waxa lagu wadaa in xisbiyadda mucaaridka ah ay is arkaan wasiiro xukuumadda ka tirsan, gaar ahaan wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed warancadde iyo Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan. Ma jiraan warar madax banaan oo si toos ah uga soo baxay labada dhinac, balse xogaha uu wargeysku soo xigtay waxay intaa ku dareen, in labada dhinac ay ka wada xaajoon doonaan muranka diiwaan gelinta ka aloosan, hase yeeshee illo u dhuun daloola labada dhinac waxay isku raacsan yihiin inay adag tahay, in is faham la gaadhaa haddii aanay xukuumaddu ka noqonin isku dayga cusub ee ay ku dedefaysay heshiisyadii hore loo galay, ama aanay mucaaridku ogolaanin qorshaha cusub ee xukuumaddu la soo baxday.
Xoguhu waxay intaa ku dareen, in mucaaridku mawqif ahaan taagan yihiin in xukuumaddu joojiso axdi ka baxa, dibna ugu laabato heshiisyadii ay saxeexday ee hore looga gaadhay labada diiwaan gelineed, si wax waliba ugu socdaan sidii heshiisku ahaa doorashaduna, waqtigeedii u dhacdo. Halka xukuumaduna ka taagan tahay in aan lakala saarin diiwaan gelinta, isla markaana ay dananayso inay fuliso qorsheheeda.
Dhinaca kale, siday sheegeen xogo wargeyska Ogaal ka soo gaadhay magaaladda Nairobi, qaadhaan bixiyayaasha Somaliland ka taageera kobcinta dimoqraadiyada iyo doorashooyinka, oo la socday dhamaanba heshiisyadii ay hore u gaadheen xisbiyada, xukuumada iyo gudiga doorashooyinku, ayaa la filayaa inay wefti culus u soo diraan Somaliland, kaasoo lagu wado inuu sabtida soo socota soo gaadho magaaladda Hargeysa. Xoguhu waxay intaa raaciyeen, in qaadhaan bixiyayaashu aad uga xun yihiin in laga baxo heshiisyadii hore, lana abuuro muran dibu dhac ku keeni kara geedi socodka hanaanka doorashooyinka. Warku wuxuu intaa ku daray, in weftigani ka miisaan culus yahay gudigii farsamo ee hawsha la waday somaliland, lana filayo inay ku jiraan safiiro iyo madax kale oo ka mid ah kuwa gaadha go’aanka qaadhaan bixinta. Siday xogahaasi sheegeen, waxa loo malaynayaa in weftigani u imanayo sidii uu xukuumadda culays ugu saari lahaa dhaqan gelinta heshiisyadaa hore looga gaadhay. Hase yeeshee ma jiraan warar si toos ah uga soo baxay dhinacyadaasi.
Xisbiyadda mucaaridka ayaa la sheegay inay dhawr maalmood ka hor u gudbiyeen qaadhaan bixiyayaasha, qoraal ay ku muujiyeen mawqifka ay ka taagan yihiin qorshaha cusub ee xukuumadda, isla markaana ay ku cadeeyeen in aanay ogolayn wax ka baxsan heshiisyadii hore loo galay ee ahaa, in aan labada diiwaan gelinood laysku dabrin ee ay kala madax banana yihiin.