Dilkii Saraakiisha, Fakashadii Danbiilaha, Gadoodkii Dadka, Caabigii Ciidanka, Jawaabta Madaxtooyadda Iyo Khasaaraha Dhacay

Dilkii Saraakiisha, Fakashadii Danbiilaha, Gadoodkii Dadka, Caabigii Ciidanka, Jawaabta Madaxtooyadda Iyo Khasaaraha Dhacay

GABIILAYOS

Gabiley (Salaanmedia.com) Hal qof ayaa dhintay, todoba kalena waxa gaadhay dhaawacyo kala duwan, kadib mudaharaad rabshado watay oo shalay ka dhacay magaaladda Gebilay, kaasoo ay bilaabeen markii salaadii jimce laga food qaaday dad ka cadhaysnaa, Saraakiil ciidanka qaranka ka tirsanaa oo nin isla ciidanka ka tirsanaa uu toogasho ku dilay deegaanka Qoru lugud.
Siday sheegeen wararka deegaankaa naga soo gaadhay, isla markaana ay baahiyeen warbaahinta kala duwani, markii hore mudaharaadkaas waxa ka hor tegay ciidanka booliska, balse markii danbe oo xaaladu sii kululaatay waxa deegaankaa tegay cutubyo ka tirsan ciidanka RRU iyo milateri, kuwaasoo sida la sheegay isku dayay inay cudud ku hakiyaan mudaharaadayaasha, isla markaana riday tacshiirado rasaas ah. Warku wuxuu intaa ku daray, in rasaastii ciidanku adeegsanayay ay sababtay dhimashada hal ruux iyo tiro kale oo dhaawacyo kala duwani gaadheen, kuwaas oo wararka qaar ku sheegeen lix qof, qaar kalena ka badinayaan. Dhinaca ciidankana waxay wararku sheegeen in sadex askari ay dhaawacyo gaadhsiiyeen dhagxaan mudaharaadayaashu tuurayeen.
Mudaharaadka ayaa markii hore ku bilaabmay qaab salmi. “ Waan idinla qabaa in ciddii saraakiisha laysay la hor keeno sharciga”, sidaa waxa yidhi maayarka Gebilay oo la tacaalayay dejinta mudaharaadkaa. Hase yeeshee waxa la sheegay in xaaladu markii danbe isu bedeshay gacan ka hadal, kadib markii ciidamadu adeegsadeen awood, dadkuna ay dhulka ku foorarsadeen oo ay hub ka dhigteen dhagxaan.

Dadka mudaharaadayay ayaa xukuumadda ugu baaqay in si degdeg ah gacanta loogu soo dhigo askarigii saraakiishaas laayay, oo tibaaxihii ugu danbeeyay sheegeen inuu u baxsaday dhinaca Buuhoodle, kuna sugan yahay hawdka magaaladda Buuhoodle, halkaas oo warar aanu deegaankaa ka helay sheegeen inay degen yihiin qoys ay ehel yihiin, kuwaas oo uu badbaado ahaan ugu tegay, haatana uu la joogo.
Jawaabta Xukuumadda
Afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa waraysi uu siiyay shebekadaha wararka, ku sheegay in warar been abuur ah dadka lagu kiciyay. “Waxaanu ka xun nahay khasaaraha iyo dhaawacyadda soo gaadhay illaa toddoba qof oo shicib ah oo dhaawacyo fududi soo gaadheen iyo illaa saddex askari oo boolis ah oo dhaawacyo iyo nabarro ka soo gaadheen dhagaxaantii lala dhacayay ciidanka. Runtii dad fidmo abuur ah oo danno gaar ah leh ayaa warar been abuur ah ku faafiyay dadweynaha oo sheegay in ninkii askariga ahaa ee labada sarkaal ku dilay Qori-lugud inta la qabtay haddana la sii daayay. Waxaan leeyahay arrintaasi waa been iyo waxba kama jiraan ay dad warxumo tashiil ah oo la baadhayaa ay dadweynaha ku marin habaabiyeen,”ayuu Yidhi Afhayeenka madaxtooyaddu.

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi; “ waxaan leeyahay Waddani Gebilay iyo wadanka fidmo kama ridi kartaan ee is hubsada oo dadweynaha ka daaya beenta iyo warxuma tashiilka aad kula dhex jirtaan. Jamaal Cali Xuseen waxa uu si cad ugu badheedhay inuu fidmo hor leh ka dhaliyo gobolka Gabiley, waxaana ayaan darro ah in ninka sheeganaya inuu doonayo mansab madaxweyne uu afkiisa ka yidhaahdo wax aan jirin oo xaalad abuur ah, waxa uu Jamaal yidhi askarigii labada sarkaal dilay waa la sii daayay oo baabuur ayaa la siiyay. Ninkaasi waxa uu si badheedh ah u doonayaa inuu nabad-gelyo darro ka abuuro dalka. Waxaanan beeninaynaa warka uu sheegay ah in la sii daayay askarigaasi. Xukuumaddu iyadaa Jamaal ka jeclayd labadan sarkaal ee wadankooda u shaqeynayay, waxaanan shacbiga u soo jeedinayaa inaanay dheg u dhigin hadaladda naxli abuurka iyo kicinta ah ee Jamaal Cali Xuseen ka soo yeedhay,”.